《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 拜莱德   段:

Suurada Al-balad

لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).
阿拉伯语经注:
وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan1 (aad horey u degganeyd).
1. Nabigu s.c w. Wuxuu yidhi: Aniga waxaa la I banneeyey inaan kula dagaalo (gaalada mushrikiinta ah) saacad keliya Makkah, haddana xurmadeedda waa sidii hore."
Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi maalintii furashada Makkah: Beledkan Alle waa caagay, waa inaan la goyn qodaxdiisa, oo la didin ugaadhiisa, oo la qaadan wixii ku luma oo dad ka dhaca qof naadinaya oo carrifaya maahee.
阿拉伯语经注:
وَوَالِدٖ وَمَا وَلَدَ
3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo wiilkiisa (Ismaaciil)2.
2. Waxaa kaloo lagu fasiray: Waa igu Aadam iyo durriyadiisa.
阿拉伯语经注:
لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ
4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).
阿拉伯语经注:
أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٞ
5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?
阿拉伯语经注:
يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالٗا لُّبَدًا
6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan.
阿拉伯语经注:
أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ
7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?
阿拉伯语经注:
أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ
8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?.
阿拉伯语经注:
وَلِسَانٗا وَشَفَتَيۡنِ
9. Iyo carrab iyo labo bishimood?
阿拉伯语经注:
وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ
10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?.
阿拉伯语经注:
فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ
11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?
阿拉伯语经注:
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ
12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah?
阿拉伯语经注:
فَكُّ رَقَبَةٍ
13. Waa addoon la xoreeyo.
阿拉伯语经注:
أَوۡ إِطۡعَٰمٞ فِي يَوۡمٖ ذِي مَسۡغَبَةٖ
14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto.
阿拉伯语经注:
يَتِيمٗا ذَا مَقۡرَبَةٍ
15. Agoon kuu dhow.
阿拉伯语经注:
أَوۡ مِسۡكِينٗا ذَا مَتۡرَبَةٖ
16. Ama miskiin dhulka yaal.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ
17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta).
阿拉伯语经注:
أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ
18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada).
阿拉伯语经注:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ
19. Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).
阿拉伯语经注:
عَلَيۡهِمۡ نَارٞ مُّؤۡصَدَةُۢ
20. Waxaa lagu dabooli dushooda Naar (dab aan dameyn ah).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 拜莱德
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 叶孤拜 - 译解目录

古兰经索马里语译解,阿布杜拉·哈桑·叶孤拜翻译

关闭