للإطلاع على الموقع بحلته الجديدة

ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: الزمر   آية:
۞ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَذَبَ عَلَى ٱللَّهِ وَكَذَّبَ بِٱلصِّدۡقِ إِذۡ جَآءَهُۥٓۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡكَٰفِرِينَ
32. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle (oo yidhaahda wuxuu leeyahay shuruko ama ilmo), oo beeniya Xaqa (Qur’aanka) markuu u yimid, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada?
التفاسير العربية:
وَٱلَّذِي جَآءَ بِٱلصِّدۡقِ وَصَدَّقَ بِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُتَّقُونَ
33. Kan se la yimid Runta (Nabi Muxammad) iyo (kan) rumeeyey, kuwaa weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada (ee Alle u hoggaansan).
التفاسير العربية:
لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمۡۚ ذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
34. Waxay leeyihiin waxay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha.
التفاسير العربية:
لِيُكَفِّرَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ أَسۡوَأَ ٱلَّذِي عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَهُمۡ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
35. Si uu Alle ugu asturo wixii xumaa ay faleen, oo u siiyo ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falaan.
التفاسير العربية:
أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِكَافٍ عَبۡدَهُۥۖ وَيُخَوِّفُونَكَ بِٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ
36. Miyuusan Alle ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Waxayna kugu cabsi geliyaan kuwa ay sokadi (caabudaan). Qofkuu Alle lumiyo, ma leh wax hanuunin.
التفاسير العربية:
وَمَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّضِلٍّۗ أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِعَزِيزٖ ذِي ٱنتِقَامٖ
37. Qofkuu hanuuniyona ma jiro wax lumin kara. Miyuusan Alle ahayn Adkaade, Aargudasho leh?
التفاسير العربية:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلۡ أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ إِنۡ أَرَادَنِيَ ٱللَّهُ بِضُرٍّ هَلۡ هُنَّ كَٰشِفَٰتُ ضُرِّهِۦٓ أَوۡ أَرَادَنِي بِرَحۡمَةٍ هَلۡ هُنَّ مُمۡسِكَٰتُ رَحۡمَتِهِۦۚ قُلۡ حَسۡبِيَ ٱللَّهُۖ عَلَيۡهِ يَتَوَكَّلُ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ
38. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Alle. Dheh: Bal ka warrama waxa aad caabuddaan Alle sokadi - hadduu Alle ila maago dhib, miyey yihiin kuwa faydi kara dhibkiisa? ama hadduu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celin kara Naxariistiisa? Dheh: Alle baa igu Filan, Isagay tala saartaan kuwa tala saarta ee ku kalsoon.
التفاسير العربية:
قُلۡ يَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَٰمِلٞۖ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
39. Dheh: Dadkaygiiyow! U camal fasha sidiinnaas, anna waan camal fali, waadse ogaan doontaan.
التفاسير العربية:
مَن يَأۡتِيهِ عَذَابٞ يُخۡزِيهِ وَيَحِلُّ عَلَيۡهِ عَذَابٞ مُّقِيمٌ
40. Waa kee kan ay u iman cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici cadaab ma guuraan ah.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: الزمر
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب - فهرس التراجم

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق