Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: زُمر   آیت:
۞ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَذَبَ عَلَى ٱللَّهِ وَكَذَّبَ بِٱلصِّدۡقِ إِذۡ جَآءَهُۥٓۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡكَٰفِرِينَ
32. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle (oo yidhaahda wuxuu leeyahay shuruko ama ilmo), oo beeniya Xaqa (Qur’aanka) markuu u yimid, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada?
عربی تفاسیر:
وَٱلَّذِي جَآءَ بِٱلصِّدۡقِ وَصَدَّقَ بِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُتَّقُونَ
33. Kan la yimid Runta (Nabi Muxammad) iyo (kan) rumeeyey, kuwaa weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada (ee Alle u hoggaansan).
عربی تفاسیر:
لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمۡۚ ذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
34. Waxay leeyihiin waxay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha.
عربی تفاسیر:
لِيُكَفِّرَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ أَسۡوَأَ ٱلَّذِي عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَهُمۡ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
35. Si uu Alle ugu asturo wixii xumaa ay faleen, oo u siiyo ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falaan.
عربی تفاسیر:
أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِكَافٍ عَبۡدَهُۥۖ وَيُخَوِّفُونَكَ بِٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ
36. Miyuusan Alle ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Waxayna kugu cabsi geliyaan kuwa ay sokadi (caabudaan). Qofkuu Alle lumiyona, ma leh wax hanuunin.
عربی تفاسیر:
وَمَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّضِلٍّۗ أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِعَزِيزٖ ذِي ٱنتِقَامٖ
37. Qofkuu hanuuniyona ma jiro wax lumin kara. Miyuusan Alle ahayn Adkaade, Aargudasho leh?
عربی تفاسیر:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلۡ أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ إِنۡ أَرَادَنِيَ ٱللَّهُ بِضُرٍّ هَلۡ هُنَّ كَٰشِفَٰتُ ضُرِّهِۦٓ أَوۡ أَرَادَنِي بِرَحۡمَةٍ هَلۡ هُنَّ مُمۡسِكَٰتُ رَحۡمَتِهِۦۚ قُلۡ حَسۡبِيَ ٱللَّهُۖ عَلَيۡهِ يَتَوَكَّلُ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ
38. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Alle. Dheh: Bal ka warrama waxa aad caabuddaan Alle sokadi - hadduu Alle ila maago dhib, miyey yihiin kuwa faydi kara dhibkiisa? ama hadduu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celin kara Naxariistiisa? Dheh: Alle baa igu Filan, Isagay isku halleeyaan oo tala saartaan inta wax isku halleysa oo tala saarata.
عربی تفاسیر:
قُلۡ يَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَٰمِلٞۖ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
39. Dheh: Dadkaygiiyow! U camal fasha sidiinnaas, anna waan camal fali, waadse ogaan doontaan.
عربی تفاسیر:
مَن يَأۡتِيهِ عَذَابٞ يُخۡزِيهِ وَيَحِلُّ عَلَيۡهِ عَذَابٞ مُّقِيمٌ
40. Waa kee kan ay u iman cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici cadaab ma guuraan ah.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: زُمر
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں