107. Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay31 Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhaaran ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Alle wuxuu markhaati ka yahay inay yihiin beenalayaal.
31. Waxaa loola jeedaa kii la dagaalay Alle iyo Rasuulkiisa : Abuu Caamir Al- Faasiq, waxayna sugayeen inuu ka yimaado Suuriya oo kula tukado masjidkooda, isagoo ay la socdaan ciidammo Ruumaan ah oo u yimaada la dagaallanka muslimiinta, laakiinse Abuu Caamir ma imanoo wuxuu ku dhintay Suuriya, masjidkii ay dhiseen munaafiqiintana waxaa lagu dumiyey amarka Rasuulka s.c.w. waxyigii ku soo degay darti kaddib markuu ka soo laabtay dagaalkii Tabuuk.
109. Ma mid aasaas uga dhiga dhismihiisa cabsida Alle iyo Raalli gelintiisa baa khayr roon, mise mid ka dhiga aasaaska dhismihiisa qarka god dumaya dushiis, kulana dhici Naarta Jahannama. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta (macangagga) ah.
110. Dhismahii ay dhiseen kama suulayo marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda33 in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo34. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
33. Walbahaarka hayey darti.
34. Ilaa ay ka dhintaan. Sidaas awgeed ma toobad keenayaan.
111. Alle wuxuu kaga gatay mu’miniinta nafahooda iyo maalkoodaba inay leeyihiin Janno, waxay u dagaallamaan Jidka Alle35, markaasay dilaan (xaq iyo nabad diidyada) iyagana loo dilaa (Xaqa iyo Nabadda ay fidiyaan). Waa ballan dushiisa ah oo xaq ah oo ku cad Tawraadda iyo Injiilka iyo Qur’aanka. Yaa ka oofin og ballan uu qaaday Alle? ee ku farxa beeciinna ee aad heshiiska ku gasheen; arrinkaasi weeye Guusha Weyn.
35. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Arrinka qofka u jihaada Alle darti, Alle baana ogsoon qofka u jihaada darti, wuxuu la mid yahay qof u sooma oo u salaada si aan hakad lahayn. Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday qofkii u jihaada Jidkiisa inuu gelin Janno haddii la dilo, haddii kale wuxuu u soo celin gurgiisa isagoo nabad qaba oo ajar helay iyo qaniimo (maal)”. W.w. Al-Bukhaari.
4. إبقاء معلومات نسخة الترجمة الموجودة داخل المستند.
5. إفادة المصدر (QuranEnc.com) بأي ملاحظة على الترجمة.
6. تطوير الترجمات وفق النسخ الجديدة الصادرة من المصدر (QuranEnc.com).
7. عدم تضمين إعلانات لا تليق بترجمات معاني القرآن الكريم عند العرض.
نتائج البحث:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".