16. Ma waxaad mooddaan in la idiinkaga tegi sidiinna isagoo uusan Alle muujin kuwiinna idinka mid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan cidaan ahayn Alle iyo Rasuulkiisa iyo mu'miniinta sokeeye. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
18. Waxaa uun camira Masaajidda Alle kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ooga salaadda oo bixiya Zakada oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Kuwaa waxay u dhow yihiin inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.
19. Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sida kan rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro oo u jihaada Jidka Alle? Ma aha kuwo siman Alle agtiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
20. Kuwa rumeeyey oo ka soo hijrooday (guryahooda) oo ugula jihaaday Jidka Alle maalkooda iyo nafahooda baa darajo weyn Alle agtiis. Waa kuwaas kuwa ah guuleystayaasha.