Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት-ተውባህ   አንቀጽ:
قَٰتِلُوهُمۡ يُعَذِّبۡهُمُ ٱللَّهُ بِأَيۡدِيكُمۡ وَيُخۡزِهِمۡ وَيَنصُرۡكُمۡ عَلَيۡهِمۡ وَيَشۡفِ صُدُورَ قَوۡمٖ مُّؤۡمِنِينَ
14. La dagaallama (gaalada duullaanka idinku ah), Alle wuxuu ku cadaabi gacmihiinna oo ku dulleyn, idiinna gar- gaari oo bogsiin laabaha qolo mu’miniin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيُذۡهِبۡ غَيۡظَ قُلُوبِهِمۡۗ وَيَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَىٰ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
15. Wuxuuna ka saari ciilkii hayey quluubtooda. Alle wuxuu ka toobad aqbalaa qofkuu doono. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ حَسِبۡتُمۡ أَن تُتۡرَكُواْ وَلَمَّا يَعۡلَمِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ مِنكُمۡ وَلَمۡ يَتَّخِذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَا رَسُولِهِۦ وَلَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَلِيجَةٗۚ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ
16. Ma waxaad mooddaan in la idiinkaga tegi sidiinna isagoo uusan Alle muujin kuwiinna idinka mid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan cidaan ahayn Alle iyo Rasuulkiisa iyo mu'miniinta sokeeye (iyo gacal). Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا كَانَ لِلۡمُشۡرِكِينَ أَن يَعۡمُرُواْ مَسَٰجِدَ ٱللَّهِ شَٰهِدِينَ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِم بِٱلۡكُفۡرِۚ أُوْلَٰٓئِكَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ وَفِي ٱلنَّارِ هُمۡ خَٰلِدُونَ
17. Ma laha gaalada mushrikiinta ah inay camiraan masaajidda Alle iyagoo ku qiraya nafahooda gaalnimo. Kuwaasi waxaa buray acmaashooda, Naartayna ku dhex waadhi weligood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا يَعۡمُرُ مَسَٰجِدَ ٱللَّهِ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَأَقَامَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَى ٱلزَّكَوٰةَ وَلَمۡ يَخۡشَ إِلَّا ٱللَّهَۖ فَعَسَىٰٓ أُوْلَٰٓئِكَ أَن يَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُهۡتَدِينَ
18. Waxaa uun camira Masaajidda Alle kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ooga salaadda oo bixiya Zakada oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Kuwaa waxay u dhow yihiin inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ أَجَعَلۡتُمۡ سِقَايَةَ ٱلۡحَآجِّ وَعِمَارَةَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ كَمَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَجَٰهَدَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ لَا يَسۡتَوُۥنَ عِندَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
19. Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sida kan rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro oo u jihaada Jidka Alle? Ma aha kuwo siman Alle agtiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ أَعۡظَمُ دَرَجَةً عِندَ ٱللَّهِۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَآئِزُونَ
20. Kuwa rumeeyey oo ka soo hijrooday (guryahooda) oo ugula jihaaday Jidka Alle maalkooda iyo nafahooda baa darajo weyn Alle agtiis. Waa kuwaas kuwa ah guuleystayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት-ተውባህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት