Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት-ተውባህ   አንቀጽ:
رَضُواْ بِأَن يَكُونُواْ مَعَ ٱلۡخَوَالِفِ وَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَفۡقَهُونَ
87. Waxay ku Raalli noqdeen inay ahaadaan la jirka kuwa ku hara (gadaal guryaha ee ka hara jihaadka). Shaabad baana lagu daboolay quluubtooda, marka waxba ma fahmaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَٰكِنِ ٱلرَّسُولُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ جَٰهَدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلۡخَيۡرَٰتُۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
88. Laakiin Rasuulka iyo kuwa rumeeyey ee la jira waxay ku jihaad galaan maalkooda iyo nafahooda. Kuwaa weeye kuwa mudan khayraadka, waana kuwaa kuwa liibaani.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
89. Alle wuxuu u diyaarshay beero ay hoos- toodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Arrinkaasi baa ah Guusha Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَآءَ ٱلۡمُعَذِّرُونَ مِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ لِيُؤۡذَنَ لَهُمۡ وَقَعَدَ ٱلَّذِينَ كَذَبُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ سَيُصِيبُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
90. Waxaa yimid cudurdaartayaashii ka mid ahaa reer miyiga (Madiinah hareeraheeda ah) iyagoo ku weydiisan Idan si looga dhaafo (ka qayb galka jihaadka), waxaana haray oo iska fadhiistay (guryaha) kuwii (munaafiqiintii ka midka ahaa ee) u been sheegay Alle iyo Rasuulkiisa; waxaa ku dhici doona kuwa gaaloobay ee ka mid ah cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّيۡسَ عَلَى ٱلضُّعَفَآءِ وَلَا عَلَى ٱلۡمَرۡضَىٰ وَلَا عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يَجِدُونَ مَا يُنفِقُونَ حَرَجٌ إِذَا نَصَحُواْ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦۚ مَا عَلَى ٱلۡمُحۡسِنِينَ مِن سَبِيلٖۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
91. Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar26 ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin waxay bixiyaan hadday daacad u yihiin Alle iyo Rasuulkiisa27. Ma jiro jid lagu eed saari karo sama falayaasha. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
26. Haweenka iyo carruurta, iyo ducafada, iyo bukaanka iyo dadka da’da weyn.
27. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Diintu waa daacad ahaansho. Waxaanu nidhi : Yaa loo ahaan? Wuxuu yidhi: Allaah, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, madaxda Muslimiinta, iyo dadweynaha guud ahaan”. W.w. Muslim.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا عَلَى ٱلَّذِينَ إِذَا مَآ أَتَوۡكَ لِتَحۡمِلَهُمۡ قُلۡتَ لَآ أَجِدُ مَآ أَحۡمِلُكُمۡ عَلَيۡهِ تَوَلَّواْ وَّأَعۡيُنُهُمۡ تَفِيضُ مِنَ ٱلدَّمۡعِ حَزَنًا أَلَّا يَجِدُواْ مَا يُنفِقُونَ
92. Mana (saarna eed) kuwa markay kuu yimaadeen si aad u siiso gaadiid (ay ku dagaal galaan), aad ku tidhi: Idiinma heli karo wax (gaadiid ah) aan idinku qaado, markaasay dib u laabteen iyagoo ay ka qubaneyso indhahooda ilmo, murugo darteed ay ka qabaan in aanay helin wax ay ku bixiyaan (jihaadka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ إِنَّمَا ٱلسَّبِيلُ عَلَى ٱلَّذِينَ يَسۡتَـٔۡذِنُونَكَ وَهُمۡ أَغۡنِيَآءُۚ رَضُواْ بِأَن يَكُونُواْ مَعَ ٱلۡخَوَالِفِ وَطَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
93. Waxaa uun jid (eedeyn ah) lagu leeyahay kuwa idan kaa qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka) iyagoo hodan ah deeqtoon. waxay ku raalli noqdeen inay la joogaan kuwa dib u haray, wuxuuna Alle daboolay quluubtooda marka ma ay oga (waxa ay waayayaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት-ተውባህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት