Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት-ተውባህ   አንቀጽ:
ثُمَّ يَتُوبُ ٱللَّهُ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ عَلَىٰ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
27. Markaas Alle ka toobad aqbalo intaas kaddib cidduu doono. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّمَا ٱلۡمُشۡرِكُونَ نَجَسٞ فَلَا يَقۡرَبُواْ ٱلۡمَسۡجِدَ ٱلۡحَرَامَ بَعۡدَ عَامِهِمۡ هَٰذَاۚ وَإِنۡ خِفۡتُمۡ عَيۡلَةٗ فَسَوۡفَ يُغۡنِيكُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦٓ إِن شَآءَۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
28. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Mushrikiintu sidooduba waa Nijaas ee yeysan u soo dhowaan Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sannadkan kaddib5, haddaad ka cabsataanna faqri, Alle baa idinka hodansiin Deeqdiisa hadduu doono. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
5. Looma oggola inay soo xajiyaan ama soo cumreystaan maadaama ay gaalo mushrikiin ah yihiin. Mufasiriinta qaar waxay qabaan in gaalada aan loo oggoleyn soo gelitaanka Xaramka hadday Xaj rabaan ama Cumro ama leeyihiin dan kale kaddib sannadkii sagaalaad ee Hijrada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَٰتِلُواْ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَلَا بِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ ٱلۡحَقِّ مِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ حَتَّىٰ يُعۡطُواْ ٱلۡجِزۡيَةَ عَن يَدٖ وَهُمۡ صَٰغِرُونَ
29. La dagaallama kuwa aan rumeysnayn Alle, iyo Maalinta Aakhiro, aan xaaraameyn waxay xaaraameeyeen Alle iyo Rasuulkiisu, ee aan ka diin dhigan raacinna Diinta Xaqa ah ee ka mid ah ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), ilaa ay ka dhiibaan Jisyo6 si raalli leh iyagoo hoggaansan.
6. Jizyo waa canshuur laga qaado dadka aan muslimka ahayn iyagoo laga cafiyo shaqada millateriga, oo waxay ku mutaan sidaas ilaalinta iyo difaaca dawladda islaamka. Dhinaca kale sako lagama qaado gaalada, oo waxay saaran tahay inay sako bixiyaan muslimiinta oo keliya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَتِ ٱلۡيَهُودُ عُزَيۡرٌ ٱبۡنُ ٱللَّهِ وَقَالَتِ ٱلنَّصَٰرَى ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ ٱللَّهِۖ ذَٰلِكَ قَوۡلُهُم بِأَفۡوَٰهِهِمۡۖ يُضَٰهِـُٔونَ قَوۡلَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَبۡلُۚ قَٰتَلَهُمُ ٱللَّهُۖ أَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
30. Yuhuuddii (Carbeed) waxay yidhaahdeen: Cuzayr waa wiilkii Alle, Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Masiixu waa wiilkii Alle. Kuwakani waa hadalkooda ay afafkooda ka yidhaahdaan. Waxay ku hadal dayanayaan kuwii hore u gaaloobay (mushrikiinta). Allaha halaagee, maxaa (xaqa) ka duway.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱتَّخَذُوٓاْ أَحۡبَارَهُمۡ وَرُهۡبَٰنَهُمۡ أَرۡبَابٗا مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَٱلۡمَسِيحَ ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَمَآ أُمِرُوٓاْ إِلَّا لِيَعۡبُدُوٓاْ إِلَٰهٗا وَٰحِدٗاۖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ سُبۡحَٰنَهُۥ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
31. Waxay ka yeesheen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Alle sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin waxaan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo hufan yahay waxay wax la wadaajiyaan7.
7. Waxay ku talax tageen adeecidda qaysaska iyo suufida oo xadka kaga baxeen, way adeecayeen xitaa hadday amraan macsi ama xalaal uga dhigaan wax xaaraan ah, waana taasi midda uu Alle ku tilmaamay inay tahay caabudaad ay caabudeen, waxaana la yidhaahdaa arrinkan shirki xagga adeecidda ah, waana shirki weyn oo diinta looga baxo, qofku waa inuu uun adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa, oo waa inuusan cidna ku adeecin wax khilaafsan sharciga Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት-ተውባህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት