Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት-ተውባህ   አንቀጽ:
ٱلتَّٰٓئِبُونَ ٱلۡعَٰبِدُونَ ٱلۡحَٰمِدُونَ ٱلسَّٰٓئِحُونَ ٱلرَّٰكِعُونَ ٱلسَّٰجِدُونَ ٱلۡأٓمِرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَٱلنَّاهُونَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَٱلۡحَٰفِظُونَ لِحُدُودِ ٱللَّهِۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
112. Kuwa toobad keena, ee caabuda (Alle Keliya), ammaana ee mahdiya, sooma una baxa diin fidinta, ee rukuuca, ee sujuuda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee dhawra soohdimaha Alle36. U bishaaree mu’miniinta.
36. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Yaa ii ballan qaadaya (dhowrista) waxa labadiisa daan dhexdooda ah (carrabkiisa) iyo waxa labadiisa lugood dhexdooda ah (farjagiisa) waxaan aniguna u ballan qaadayaa Janno”. W.w. Al-Bukhaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا كَانَ لِلنَّبِيِّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن يَسۡتَغۡفِرُواْ لِلۡمُشۡرِكِينَ وَلَوۡ كَانُوٓاْ أُوْلِي قُرۡبَىٰ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمۡ أَنَّهُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَحِيمِ
113. Kuma (habboona) Nabiga iyo kuwa rumeeyey inay u denbi dhaaf dalbaan mushrikiinta qaraababa ha ahaadaane, kaddib kolkay u caddaatay inay yihiin ehlu Naar37 (ku dhinteen gaalnimo).
37. Qofna looma weydiin karo denbi dhaaf Alle oo lama odhan karo Allaha u naxariisto, marba hadduu ku dhinto gaalnimo, ama isagoo ku jira shirki ama dhinta isagoo ma tukade ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا كَانَ ٱسۡتِغۡفَارُ إِبۡرَٰهِيمَ لِأَبِيهِ إِلَّا عَن مَّوۡعِدَةٖ وَعَدَهَآ إِيَّاهُ فَلَمَّا تَبَيَّنَ لَهُۥٓ أَنَّهُۥ عَدُوّٞ لِّلَّهِ تَبَرَّأَ مِنۡهُۚ إِنَّ إِبۡرَٰهِيمَ لَأَوَّٰهٌ حَلِيمٞ
114. Ma ahayn u denbi dhaaf dalabkii Ibraahiim uu u denbi dhaaf dalbay aabbihiis waxaan ahayn ballan uu ka qaaday. Markiise ay u caddaatay inuu ahaa cadow Alle, barii buu ka noqday. Ibraahiim wuxuu ahaa kal same, dulqaad badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُضِلَّ قَوۡمَۢا بَعۡدَ إِذۡ هَدَىٰهُمۡ حَتَّىٰ يُبَيِّنَ لَهُم مَّا يَتَّقُونَۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ
115. Ma aha Alle Mid lumiya qolo kaddib markuu hanuuniyey, wuxuuse u caddeeyaa waxay tahay inay iska jiraan38. Hubaal Alle waa Ogsoonaha wax walba.
38. Qofka looma cadaabo habowgiisa darti haddaan loo caddeyn waxaa inay denbi yihiin, oo uusan ku xadgudbin amarro loo caddeeyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱللَّهَ لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۚ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ
116. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo aralda, Isagaa wax nooleeya oo dhinsiiya. Ma lihidin Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّقَد تَّابَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلنَّبِيِّ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ وَٱلۡأَنصَارِ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ فِي سَاعَةِ ٱلۡعُسۡرَةِ مِنۢ بَعۡدِ مَا كَادَ يَزِيغُ قُلُوبُ فَرِيقٖ مِّنۡهُمۡ ثُمَّ تَابَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّهُۥ بِهِمۡ رَءُوفٞ رَّحِيمٞ
117. Wuxuu Alle ka toobad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday waqtigii adkaa (ee dagaalkii Tabuuk), kaddib markii quluubta qaar ka mid ah ay ku sigteen inay weecdaan, markaasuu ka toobad aqbalay. Hubaal Alle waa mid u Turid iyo Naxariis Badan (mu'miniinta).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አት-ተውባህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት