Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আলে ইমৰাণ   আয়াত:
قُلۡ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا وَمَآ أُنزِلَ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَٱلنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمۡ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ
84. Dheh: Waxaanu rumeynay Alle, iyo waxa nalagu soo dejiyey (ee Waxyi ah), iyo waxa lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Innaguna Alleynu u hoggaansannahay.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَمَن يَبۡتَغِ غَيۡرَ ٱلۡإِسۡلَٰمِ دِينٗا فَلَن يُقۡبَلَ مِنۡهُ وَهُوَ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
85. Qofkii doonana waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbalayo, wuxuuna Aakhirada ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
كَيۡفَ يَهۡدِي ٱللَّهُ قَوۡمٗا كَفَرُواْ بَعۡدَ إِيمَٰنِهِمۡ وَشَهِدُوٓاْ أَنَّ ٱلرَّسُولَ حَقّٞ وَجَآءَهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
86. Sidee Alle u hanuunin qolo gaaloobay rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
أُوْلَٰٓئِكَ جَزَآؤُهُمۡ أَنَّ عَلَيۡهِمۡ لَعۡنَةَ ٱللَّهِ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ
87. Kuwaasi abaalkoodu waa inay korkooda ahaato Nacladda Alle , iyo malaa`igta iyo dadkoo dhan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
88. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, lamana siinayo nafis.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ وَأَصۡلَحُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
89. Kuwa toobad keena (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada mooyee. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بَعۡدَ إِيمَٰنِهِمۡ ثُمَّ ٱزۡدَادُواْ كُفۡرٗا لَّن تُقۡبَلَ تَوۡبَتُهُمۡ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلضَّآلُّونَ
90. Hubaal kuwa gaalooba rumayntoodii kaddib, haddana kororsada gaalnimo, lagama aqbalo toobadooda (ay sheegtaan), waana kuwaa kuwa lunsan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَمَاتُواْ وَهُمۡ كُفَّارٞ فَلَن يُقۡبَلَ مِنۡ أَحَدِهِم مِّلۡءُ ٱلۡأَرۡضِ ذَهَبٗا وَلَوِ ٱفۡتَدَىٰ بِهِۦٓۗ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ
91. Hubaal kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbalo midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwaa weeye kuwa leh cadaab xanuun badan, mana leh wax u soo gargaari (oo u shafeeci Aakhirada).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আলে ইমৰাণ
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ