Check out the new design

ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی سوره: آل عمران   آیه:
قُلۡ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا وَمَآ أُنزِلَ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَٱلنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمۡ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ
84. Dheh: Waxaanu rumeynay Alle, iyo waxa nalagu soo dejiyey (ee Waxyi ah), iyo waxa lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Innaguna Alleynu u hoggaansannahay.
تفسیرهای عربی:
وَمَن يَبۡتَغِ غَيۡرَ ٱلۡإِسۡلَٰمِ دِينٗا فَلَن يُقۡبَلَ مِنۡهُ وَهُوَ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
85. Qofkii doonana waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbalayo, wuxuuna Aakhirada ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha.
تفسیرهای عربی:
كَيۡفَ يَهۡدِي ٱللَّهُ قَوۡمٗا كَفَرُواْ بَعۡدَ إِيمَٰنِهِمۡ وَشَهِدُوٓاْ أَنَّ ٱلرَّسُولَ حَقّٞ وَجَآءَهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
86. Sidee Alle u hanuunin qolo gaaloobay rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka).
تفسیرهای عربی:
أُوْلَٰٓئِكَ جَزَآؤُهُمۡ أَنَّ عَلَيۡهِمۡ لَعۡنَةَ ٱللَّهِ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ
87. Kuwaasi abaalkoodu waa inay korkooda ahaato Nacladda Alle , iyo malaa`igta iyo dadkoo dhan.
تفسیرهای عربی:
خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
88. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, lamana siinayo nafis.
تفسیرهای عربی:
إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ وَأَصۡلَحُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
89. Kuwa tawbad keena (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada mooyee. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
تفسیرهای عربی:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بَعۡدَ إِيمَٰنِهِمۡ ثُمَّ ٱزۡدَادُواْ كُفۡرٗا لَّن تُقۡبَلَ تَوۡبَتُهُمۡ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلضَّآلُّونَ
90. Hubaal, kuwa gaalooba rumayntoodii kaddib, haddana kororsada gaalnimo, lagama aqbalo tawbadooda (ay sheegtaan), waana kuwaa kuwa lunsan.
تفسیرهای عربی:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَمَاتُواْ وَهُمۡ كُفَّارٞ فَلَن يُقۡبَلَ مِنۡ أَحَدِهِم مِّلۡءُ ٱلۡأَرۡضِ ذَهَبٗا وَلَوِ ٱفۡتَدَىٰ بِهِۦٓۗ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ
91. Hubaal, kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbalo midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwaa weeye kuwa leh cadaab xanuun badan, mana leh wax u soo gargaari (oo u shafeeci Aakhirada).
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی سوره: آل عمران
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمه‌ى عبدالله حسن یعقوب.

بستن