Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: ক্বাফ   আয়াত:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ وَنَعۡلَمُ مَا تُوَسۡوِسُ بِهِۦ نَفۡسُهُۥۖ وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنۡ حَبۡلِ ٱلۡوَرِيدِ
16. Waxaan dhab ahaan abuurnay aadmiga, waana ognahay waxay naftiisu kula hadasho. Waxaana (waa Alle'e oo ku kooba Ogaal iyo Awood ahaan ama malaa’igtiisa) uga dhownahay xididka dhuunta.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِذۡ يَتَلَقَّى ٱلۡمُتَلَقِّيَانِ عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ قَعِيدٞ
17.Markay labada qorayaal (malaa’igta wax qoreysa) ku kulmi, iyagoo ka kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix (ee qofka).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
مَّا يَلۡفِظُ مِن قَوۡلٍ إِلَّا لَدَيۡهِ رَقِيبٌ عَتِيدٞ
18. Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye (malag) u diyaar ah (inuu qoro).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَجَآءَتۡ سَكۡرَةُ ٱلۡمَوۡتِ بِٱلۡحَقِّۖ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنۡهُ تَحِيدُ
19. Waxaa u iman sakaraadka mowdka oo xaq ah: kaasi waa waxaad ka carareysay.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِۚ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡوَعِيدِ
20. Buunkii (Qiyaamana) waa la afuufi - kaasu waa Maalinkii laysu yaboohay.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَجَآءَتۡ كُلُّ نَفۡسٖ مَّعَهَا سَآئِقٞ وَشَهِيدٞ
21. Naf walbana waxay iman iyadoo uu la socdo (labo malag) mid hoggaaminaya iyo mid ku markhaati furaya.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
لَّقَدۡ كُنتَ فِي غَفۡلَةٖ مِّنۡ هَٰذَا فَكَشَفۡنَا عَنكَ غِطَآءَكَ فَبَصَرُكَ ٱلۡيَوۡمَ حَدِيدٞ
22. (Waxaa la odhan): Waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَقَالَ قَرِينُهُۥ هَٰذَا مَا لَدَيَّ عَتِيدٌ
23.(Malaggii) la xidhiidhayna wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
أَلۡقِيَا فِي جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٖ
24. (Alle wuxuu odhan) Ku tuura Naar gaal kastoo xaq diiddo ku madax adeegay.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
مَّنَّاعٖ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٖ مُّرِيبٍ
25. Khayr diide, xadgudbe, shaki qabeen kasta.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
ٱلَّذِي جَعَلَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَأَلۡقِيَاهُ فِي ٱلۡعَذَابِ ٱلشَّدِيدِ
26. Ee yeelay la jirka Alle, ilaah kale, ee ku tuura cadaab daran.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
۞ قَالَ قَرِينُهُۥ رَبَّنَا مَآ أَطۡغَيۡتُهُۥ وَلَٰكِن كَانَ فِي ضَلَٰلِۭ بَعِيدٖ
27. (sheydaankii) la xidhiidhay wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, isagaase naf ahaantiisa ku sugnaa habow fog.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
قَالَ لَا تَخۡتَصِمُواْ لَدَيَّ وَقَدۡ قَدَّمۡتُ إِلَيۡكُم بِٱلۡوَعِيدِ
28. (Alle) wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, waxaana horay idiinku soo diray gooddiga.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
مَا يُبَدَّلُ ٱلۡقَوۡلُ لَدَيَّ وَمَآ أَنَا۠ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ
29. Qowlka (Qaddarka) iga soo fulaa lama beddelo, mana dulmiyo Addoomaha.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
يَوۡمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ ٱمۡتَلَأۡتِ وَتَقُولُ هَلۡ مِن مَّزِيدٖ
30. Maalinta aan ku odhan Jahannama: Ma buuxsantay? Oo markaa ay dhihi: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado?
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ غَيۡرَ بَعِيدٍ
31. Oo Jannada loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٖ
32. Kani waa waxa loo yaboohay qof walboo toobad keen badan, dhowra (ballanka iyo wax kastoo Alle u dhoweyn).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
مَّنۡ خَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِ وَجَآءَ بِقَلۡبٖ مُّنِيبٍ
33.Kan ka baqa Raxmaanka sir(iyo caadba) oo la yimaada qalbi toobad keen badan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٖۖ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡخُلُودِ
34. (Waxaa lagu odhan), "Ku gala nabad (Jannada); kaasi waa Maalinka waaridda".
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
لَهُم مَّا يَشَآءُونَ فِيهَا وَلَدَيۡنَا مَزِيدٞ
35. Waxay ku leeyihiin (Jannada) gudaheeda waxay doonaan - waxaana u heynaa weliba wax intaa ka badan (Eegidda Wejiga Ilaahay).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: ক্বাফ
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ