Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 嘎夫   段:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ وَنَعۡلَمُ مَا تُوَسۡوِسُ بِهِۦ نَفۡسُهُۥۖ وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنۡ حَبۡلِ ٱلۡوَرِيدِ
16. Waxaan dhab ahaan abuurnay aadmiga, waana ognahay waxay naftiisu kula hadasho. Waxaana (waa Alle'e oo ku kooba Ogaal iyo Awood ahaan ama malaa’igtiisa) uga dhownahay xididka dhuunta.
阿拉伯语经注:
إِذۡ يَتَلَقَّى ٱلۡمُتَلَقِّيَانِ عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ قَعِيدٞ
17.Markay labada qorayaal (malaa’igta wax qoreysa) ku kulmi, iyagoo ka kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix (ee qofka).
阿拉伯语经注:
مَّا يَلۡفِظُ مِن قَوۡلٍ إِلَّا لَدَيۡهِ رَقِيبٌ عَتِيدٞ
18. Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye (malag) u diyaar ah (inuu qoro).
阿拉伯语经注:
وَجَآءَتۡ سَكۡرَةُ ٱلۡمَوۡتِ بِٱلۡحَقِّۖ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنۡهُ تَحِيدُ
19. Waxaa u iman sakaraadka mowdka oo xaq ah: kaasi waa waxaad ka carareysay.
阿拉伯语经注:
وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِۚ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡوَعِيدِ
20. Buunkii (Qiyaamana) waa la afuufi - kaasu waa Maalinkii laysu yaboohay.
阿拉伯语经注:
وَجَآءَتۡ كُلُّ نَفۡسٖ مَّعَهَا سَآئِقٞ وَشَهِيدٞ
21. Naf walbana waxay iman iyadoo uu la socdo (labo malag) mid hoggaaminaya iyo mid ku markhaati furaya.
阿拉伯语经注:
لَّقَدۡ كُنتَ فِي غَفۡلَةٖ مِّنۡ هَٰذَا فَكَشَفۡنَا عَنكَ غِطَآءَكَ فَبَصَرُكَ ٱلۡيَوۡمَ حَدِيدٞ
22. (Waxaa la odhan): Waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay.
阿拉伯语经注:
وَقَالَ قَرِينُهُۥ هَٰذَا مَا لَدَيَّ عَتِيدٌ
23.(Malaggii) la xidhiidhayna wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah.
阿拉伯语经注:
أَلۡقِيَا فِي جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٖ
24. (Alle wuxuu odhan) Ku tuura Naar mid kastoo abaal dhac badan, madax adag.
阿拉伯语经注:
مَّنَّاعٖ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٖ مُّرِيبٍ
25.Khayr diide ah, xadgudbe, shaki qabeen.
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِي جَعَلَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَأَلۡقِيَاهُ فِي ٱلۡعَذَابِ ٱلشَّدِيدِ
26. Ee yeelay la jirka Alle, ilaah kale, oo ku tuura cadaab daran.
阿拉伯语经注:
۞ قَالَ قَرِينُهُۥ رَبَّنَا مَآ أَطۡغَيۡتُهُۥ وَلَٰكِن كَانَ فِي ضَلَٰلِۭ بَعِيدٖ
27. (sheydaankii) la xidhiidhay wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, isagaase naf ahaantiisa ku sugnaa habow fog.
阿拉伯语经注:
قَالَ لَا تَخۡتَصِمُواْ لَدَيَّ وَقَدۡ قَدَّمۡتُ إِلَيۡكُم بِٱلۡوَعِيدِ
28. (Alle) wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, waxaana horay idiinku soo diray gooddiga.
阿拉伯语经注:
مَا يُبَدَّلُ ٱلۡقَوۡلُ لَدَيَّ وَمَآ أَنَا۠ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ
29. Qowlka iga soo fulaa lama beddelo, mana dulmiyo Addoomaha.
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ ٱمۡتَلَأۡتِ وَتَقُولُ هَلۡ مِن مَّزِيدٖ
30. Maalinta aan ku odhan Jahannama: Ma buuxsantay? Oo markaa ay dhihi: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado?
阿拉伯语经注:
وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ غَيۡرَ بَعِيدٍ
31. Oo Jannada loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba.
阿拉伯语经注:
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٖ
32. Kani waa waxa loo yaboohay qof walboo tawbad keen badan, dhowra (ballanka iyo wax kastoo Alle u dhoweyn).
阿拉伯语经注:
مَّنۡ خَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِ وَجَآءَ بِقَلۡبٖ مُّنِيبٍ
33.Kan ka baqa Raxmaanka sir 'iyo caadba' oo la yimaada qalbi tawbad keen badan.
阿拉伯语经注:
ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٖۖ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡخُلُودِ
34. (Waxaa lagu odhan), "Ku gala nabad (Jannada); kaasi waa Maalinka waaridda".
阿拉伯语经注:
لَهُم مَّا يَشَآءُونَ فِيهَا وَلَدَيۡنَا مَزِيدٞ
35.Waxay ku leeyihiin 'Jannada' gudaheeda waxay doonaan - waxaana u heynaa weliba wax intaa ka badan4.
4. Waa raalli ahaansho dhan ee xagga Alle ah iyo eegidda Wejigiisa Sharafta Badan.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 嘎夫
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭