Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 嘎夫   段:

Qaaf

قٓۚ وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡمَجِيدِ
1. Qaaf;1
Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan2.
1. . Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 38: 1
阿拉伯语经注:
بَلۡ عَجِبُوٓاْ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٞ مِّنۡهُمۡ فَقَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا شَيۡءٌ عَجِيبٌ
2. Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad) . Gaaladu waxay yidhaahdeen: Kanu waa wax la yaab leh.
阿拉伯语经注:
أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗاۖ ذَٰلِكَ رَجۡعُۢ بَعِيدٞ
3. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro (miyaa na la soo nooleyn)? (arrin)kaasu waa soo Noqosho Fog.
阿拉伯语经注:
قَدۡ عَلِمۡنَا مَا تَنقُصُ ٱلۡأَرۡضُ مِنۡهُمۡۖ وَعِندَنَا كِتَٰبٌ حَفِيظُۢ
4. Waxaan ognahay wuxuu dhulku ka dhimo (jidhkooda), Agtannadana waxaa yaal Kitaab wax walba kooba oo xafidan (Looxa Maxfuudka).
阿拉伯语经注:
بَلۡ كَذَّبُواْ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ فَهُمۡ فِيٓ أَمۡرٖ مَّرِيجٍ
5. Waxayse beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxayna (gaaladu) ku sugan yihiin xaalad murugsan.
阿拉伯语经注:
أَفَلَمۡ يَنظُرُوٓاْ إِلَى ٱلسَّمَآءِ فَوۡقَهُمۡ كَيۡفَ بَنَيۡنَٰهَا وَزَيَّنَّٰهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٖ
6. Miyeyna fiirin samada korkooda ah, sidaan u dhisnay oo u qurxinnay, ma laha wax duleello ah?
阿拉伯语经注:
وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجِۭ بَهِيجٖ
7. Dhulkana waanu fidinnay, oo ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa dhir qurxoon oo cayn walba leh.
阿拉伯语经注:
تَبۡصِرَةٗ وَذِكۡرَىٰ لِكُلِّ عَبۡدٖ مُّنِيبٖ
8. Tusmo iyo waano u ah addoon kasta u soo noqda (Alle) oo tawbad keen badan.
阿拉伯语经注:
وَنَزَّلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ مُّبَٰرَكٗا فَأَنۢبَتۡنَا بِهِۦ جَنَّٰتٖ وَحَبَّ ٱلۡحَصِيدِ
9. Waxaanu ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob) barakaysan, oo aan ku soo saarnaa beero iyo baad.
阿拉伯语经注:
وَٱلنَّخۡلَ بَاسِقَٰتٖ لَّهَا طَلۡعٞ نَّضِيدٞ
10. Iyo geedo timireed dhaadheer leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
阿拉伯语经注:
رِّزۡقٗا لِّلۡعِبَادِۖ وَأَحۡيَيۡنَا بِهِۦ بَلۡدَةٗ مَّيۡتٗاۚ كَذَٰلِكَ ٱلۡخُرُوجُ
11. Risiq ay leeyihiin addoomaha (Alle). Waxaana ku nooleynaa (biyahaa) dhul dhintay. Sidaasoo kale bay ahaan soo bixinta (Qiyaamada).
阿拉伯语经注:
كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَأَصۡحَٰبُ ٱلرَّسِّ وَثَمُودُ
12. Qolodii Nuux baa beeniyey hortood3, iyo qoladii ceelkii (Azerbaijan) iyo Thamuud.
3. Waa ka hor gaalada reer Makkah.
阿拉伯语经注:
وَعَادٞ وَفِرۡعَوۡنُ وَإِخۡوَٰنُ لُوطٖ
13. Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi.
阿拉伯语经注:
وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ وَقَوۡمُ تُبَّعٖۚ كُلّٞ كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ
14. Iyo reer hawdkii (loo diray Nabi Shucayb) iyo qolodii Tubbac (ee Yaman); dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga.
阿拉伯语经注:
أَفَعَيِينَا بِٱلۡخَلۡقِ ٱلۡأَوَّلِۚ بَلۡ هُمۡ فِي لَبۡسٖ مِّنۡ خَلۡقٖ جَدِيدٖ
15. Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub (Aakhirada).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 嘎夫
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭