Check out the new design

Қуръони Карим маъноларининг таржимаси - Сомалийча таржима - Абдуллоҳ Ҳасан Яъқуб * - Таржималар мундарижаси

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Маънолар таржимаси Сура: Қоф   Оят:

Qaaf

قٓۚ وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡمَجِيدِ
1. Qaaf;1
Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan2.
1. Qaaf waa xarafka Qaaf ee ka mid ah alifbeetada afka Carabiga uu Qur’aanku ku soo degay, sidaas oo ay tahay ma jiro axad keeni kara xitaa Suuradda ugu kooban ee Qur’aanka Mucjisada weyn ah. Waana sidaas macnaha looga jeedo xuruufta kale sida alif laam miim, alif laam raa, taa haa, xaa miim, nuun, iwm ee ku soo arooray billowga 29 Suuradood ee Qur'aanka.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 38: 1
Арабча тафсирлар:
بَلۡ عَجِبُوٓاْ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٞ مِّنۡهُمۡ فَقَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا شَيۡءٌ عَجِيبٌ
2. Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad) . Gaaladu waxay yidhaahdeen: Kanu (inuu Alle soo diro aadmi) waa wax la yaab leh.
Арабча тафсирлар:
أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗاۖ ذَٰلِكَ رَجۡعُۢ بَعِيدٞ
3. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro (miyaa na la soo nooleyn)? (arrin)kaasu waa soo Noqosho Fog.
Арабча тафсирлар:
قَدۡ عَلِمۡنَا مَا تَنقُصُ ٱلۡأَرۡضُ مِنۡهُمۡۖ وَعِندَنَا كِتَٰبٌ حَفِيظُۢ
4. Waxaan ognahay wuxuu dhulku ka dhimo (jidhkooda), Agtannadana waxaa yaal Kitaab wax walba kooba oo xafidan (Looxa Maxfuudka).
Арабча тафсирлар:
بَلۡ كَذَّبُواْ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ فَهُمۡ فِيٓ أَمۡرٖ مَّرِيجٍ
5. Waxayse beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxayna (gaaladu) ku sugan yihiin xaalad murugsan.
Арабча тафсирлар:
أَفَلَمۡ يَنظُرُوٓاْ إِلَى ٱلسَّمَآءِ فَوۡقَهُمۡ كَيۡفَ بَنَيۡنَٰهَا وَزَيَّنَّٰهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٖ
6. Miyeyna fiirin samada korkooda ah, sidaan u dhisnay oo u qurxinnay, mana laha wax duleello ah?
Арабча тафсирлар:
وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجِۭ بَهِيجٖ
7. Dhulka waanu fidinnay, oo ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa dhir qurxoon oo cayn walba leh.
Арабча тафсирлар:
تَبۡصِرَةٗ وَذِكۡرَىٰ لِكُلِّ عَبۡدٖ مُّنِيبٖ
8. Tusmo iyo waano u ah addoon kasta u soo noqda (Ilaahay) oo toobad keen badan.
Арабча тафсирлар:
وَنَزَّلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ مُّبَٰرَكٗا فَأَنۢبَتۡنَا بِهِۦ جَنَّٰتٖ وَحَبَّ ٱلۡحَصِيدِ
9. Waxaanu ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob) barakaysan, oo aan ku soo saarnaa beero iyo baad.
Арабча тафсирлар:
وَٱلنَّخۡلَ بَاسِقَٰتٖ لَّهَا طَلۡعٞ نَّضِيدٞ
10. Iyo geedo timireed dhaadheer leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
Арабча тафсирлар:
رِّزۡقٗا لِّلۡعِبَادِۖ وَأَحۡيَيۡنَا بِهِۦ بَلۡدَةٗ مَّيۡتٗاۚ كَذَٰلِكَ ٱلۡخُرُوجُ
11. Risiq ay leeyihiin addoomaha (Alle). Waxaana ku nooleynaa (biyahaa) dhul dhintay. Sidaasoo kale bay ahaan soo bixinta (Qiyaamada).
Арабча тафсирлар:
كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَأَصۡحَٰبُ ٱلرَّسِّ وَثَمُودُ
12. Qolodii Nuux baa beeniyey hortood3, iyo qoladii ceelka (ee Azerbaijan) iyo Thamuud.
3. Waa ka hor gaalada reer Makkah.
Арабча тафсирлар:
وَعَادٞ وَفِرۡعَوۡنُ وَإِخۡوَٰنُ لُوطٖ
13. Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi.
Арабча тафсирлар:
وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ وَقَوۡمُ تُبَّعٖۚ كُلّٞ كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ
14. Iyo reer hawdkii (loo diray Nabi Shucayb) iyo qolodii Tubbac (ee Yaman); dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga.
Арабча тафсирлар:
أَفَعَيِينَا بِٱلۡخَلۡقِ ٱلۡأَوَّلِۚ بَلۡ هُمۡ فِي لَبۡسٖ مِّنۡ خَلۡقٖ جَدِيدٖ
15. Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub (Aakhirada).
Арабча тафсирлар:
 
Маънолар таржимаси Сура: Қоф
Суралар мундарижаси Бет рақами
 
Қуръони Карим маъноларининг таржимаси - Сомалийча таржима - Абдуллоҳ Ҳасан Яъқуб - Таржималар мундарижаси

Таржимаси Абдуллоҳ Ҳасан Яъқуб.

Ёпиш