Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: əl-Hicr   Ayə:
ٱلَّذِينَ جَعَلُواْ ٱلۡقُرۡءَانَ عِضِينَ
91. Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo21.
21. Iyagoo qaadanaya Kitaabka qaarki, beeninayana qaar kale iyagoo raacaya hawadooda.
Ərəbcə təfsirlər:
فَوَرَبِّكَ لَنَسۡـَٔلَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ
92. Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood,
Ərəbcə təfsirlər:
عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
93. Waxay falayeen.
Ərəbcə təfsirlər:
فَٱصۡدَعۡ بِمَا تُؤۡمَرُ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray22, oo iskaga jeeso Mushrikiinta23.
22. Waa ugu yeedhidda dadka Towxiidka iyo ka digitaanka shirkiga si loo kala saaro mu’miniinta iyo gaalada.
23. Mid kastoo ku adkeysta shirkiga oo ah in lala wadaajiyo cibaadada Alle cid kale.
Ərəbcə təfsirlər:
إِنَّا كَفَيۡنَٰكَ ٱلۡمُسۡتَهۡزِءِينَ
95. Annagaa kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta).
Ərəbcə təfsirlər:
ٱلَّذِينَ يَجۡعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
Ərəbcə təfsirlər:
وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدۡرُكَ بِمَا يَقُولُونَ
97. Waxaana ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi.
Ərəbcə təfsirlər:
فَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ
98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda24.
24. Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan ku garan jirey bogidda salaadda faralka kor ugu qaadista codka Xusidda Alle sida takbiirta.
(W.w. Al-Bukhaari)
Ərəbcə təfsirlər:
وَٱعۡبُدۡ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأۡتِيَكَ ٱلۡيَقِينُ
99. Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowdka- Geerida).
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: əl-Hicr
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq