Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ હિજ્ર   આયત:
ٱلَّذِينَ جَعَلُواْ ٱلۡقُرۡءَانَ عِضِينَ
91. Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo23.
23. Iyagoo qaadanaya Kitaabka qaarki, beeninayana qaar kale iyagoo raacaya hawadooda.
અરબી તફસીરો:
فَوَرَبِّكَ لَنَسۡـَٔلَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ
92. Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood,
અરબી તફસીરો:
عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
93. Waxay falayeen.
અરબી તફસીરો:
فَٱصۡدَعۡ بِمَا تُؤۡمَرُ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray24, oo iskaga jeeso Mushrikiinta25.
24. Waa ugu yeedhidda dadka Towxiidka iyo ka digitaanka shirkiga si loo kala saaro mu’miniinta iyo gaalada.
25. Mid kastoo ku adkeysta shirkiga oo ah in lala wadaajiyo cibaadada Alle cid kale.
અરબી તફસીરો:
إِنَّا كَفَيۡنَٰكَ ٱلۡمُسۡتَهۡزِءِينَ
95. Annagaa kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta).
અરબી તફસીરો:
ٱلَّذِينَ يَجۡعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
અરબી તફસીરો:
وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدۡرُكَ بِمَا يَقُولُونَ
97. Waxaana ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi.
અરબી તફસીરો:
فَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ
98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda26.
26. Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan ku garan jirey bogidda salaadda faralka kor ugu qaadista codka Xusidda Alle sida takbiirta.
(W.w. Al-Bukhaari)
અરબી તફસીરો:
وَٱعۡبُدۡ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأۡتِيَكَ ٱلۡيَقِينُ
99. Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowdka- Geerida).
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ હિજ્ર
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો