ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫

ߞߐߜߍ ߝߙߍߕߍ:close

external-link copy
91 : 15

ٱلَّذِينَ جَعَلُواْ ٱلۡقُرۡءَانَ عِضِينَ

91.Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo [24]. info

[24]. Iyagoo qaadanaya Kitaabka qaarki, beeninayana qaar kale iyagoo raacaya hawadooda.

التفاسير: |

external-link copy
92 : 15

فَوَرَبِّكَ لَنَسۡـَٔلَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ

92. Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood, info
التفاسير: |

external-link copy
93 : 15

عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

93. Waxay falayeen. info
التفاسير: |

external-link copy
94 : 15

فَٱصۡدَعۡ بِمَا تُؤۡمَرُ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray [25], oo iskaga jeeso Mushrikiinta [26]. info

[25]. Waa ugu yeedhidda dadka Towxiidka iyo ka digitaanka shirkiga si loo kala saaro mu’miniinta iyo gaalada.
[26]. Mid kastoo ku adkeysta shirkiga oo ah in lala wadaajiyo cibaadada Alle cid kale.

التفاسير: |

external-link copy
95 : 15

إِنَّا كَفَيۡنَٰكَ ٱلۡمُسۡتَهۡزِءِينَ

95. Annagaa xaqiiq kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta). info
التفاسير: |

external-link copy
96 : 15

ٱلَّذِينَ يَجۡعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ

96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca). info
التفاسير: |

external-link copy
97 : 15

وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدۡرُكَ بِمَا يَقُولُونَ

97. Waxaana dhab ahaan ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi. info
التفاسير: |

external-link copy
98 : 15

فَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ

98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda [27]. info

[27]. Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan ku garan jirey bogidda salaadda faralka kor ugu qaadista codka Xusidda Alle sida takbiirta.
(W.w. Al-Bukhaari)

التفاسير: |

external-link copy
99 : 15

وَٱعۡبُدۡ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأۡتِيَكَ ٱلۡيَقِينُ

99. Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowtka- Geerida). info
التفاسير: |