Check out the new design

Prijevod značenja časnog Kur'ana - Prijevod na somalski jezik - Abdullah Hasan Jakub * - Sadržaj prijevodā

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Prijevod značenja Sura: El-Enfal   Ajet:
وَمَا لَهُمۡ أَلَّا يُعَذِّبَهُمُ ٱللَّهُ وَهُمۡ يَصُدُّونَ عَنِ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ وَمَا كَانُوٓاْ أَوۡلِيَآءَهُۥٓۚ إِنۡ أَوۡلِيَآؤُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُتَّقُونَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
34. Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Alle u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, umana suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), badankooduse ma oga.
Tefsiri na arapskom jeziku:
وَمَا كَانَ صَلَاتُهُمۡ عِندَ ٱلۡبَيۡتِ إِلَّا مُكَآءٗ وَتَصۡدِيَةٗۚ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ
35. Salaaddooda Beytka (Kacbada) agtiisa ma ahayn waxaan aheyn foodhi iyo sacabbo tun. Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed.
Tefsiri na arapskom jeziku:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ لِيَصُدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ فَسَيُنفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيۡهِمۡ حَسۡرَةٗ ثُمَّ يُغۡلَبُونَۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ يُحۡشَرُونَ
36. Kuwa gaaloobay waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Alle, sidaasayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon qoomamo daran, misna waa laga adkaan. Gaaladana xagga Jahannama baa loo taxaabi.
Tefsiri na arapskom jeziku:
لِيَمِيزَ ٱللَّهُ ٱلۡخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِ وَيَجۡعَلَ ٱلۡخَبِيثَ بَعۡضَهُۥ عَلَىٰ بَعۡضٖ فَيَرۡكُمَهُۥ جَمِيعٗا فَيَجۡعَلَهُۥ فِي جَهَنَّمَۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
37. Waa si uu Alle uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo isku raseeyo dhammaantood, uuna yeelo Jahannama gudaheeda. kuwaa weeye kuwa khasaaray.
Tefsiri na arapskom jeziku:
قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَنتَهُواْ يُغۡفَرۡ لَهُم مَّا قَدۡ سَلَفَ وَإِن يَعُودُواْ فَقَدۡ مَضَتۡ سُنَّتُ ٱلۡأَوَّلِينَ
38. Ku dheh kuwa gaalooba, hadday ka haraan (gaalnimada iyo dagaalka) waxaa loo dhaafi wixii horay uga dhacay (10) . Hadday se u noqdaan (dagaalka), waxaa sugaya jidka kuwii hore (ee la halaagay).
10. Ibnu Mascuud a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nin baa wuxuu yidhi: Rasuul Allow, Miyaa naloo raacanayaa wixii aynu falnay waagii jaahiliyadda (gaalnimda)? Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofkii ay fiicnaato islaamnimadiisu oo u dhaqma Islaamka gudahiisa si suubbanaan ah, looma raacanayo wixii uu falay waagii jaahiliyadda. Qofkiina kula yimaada shirki iyo waxyaalo xun oo macaasi ah Islaamka gudahi waxaa loo raacanayaa kii hore iyo kii dambeba. (W.w. Al-Bukhaari).
Tefsiri na arapskom jeziku:
وَقَٰتِلُوهُمۡ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتۡنَةٞ وَيَكُونَ ٱلدِّينُ كُلُّهُۥ لِلَّهِۚ فَإِنِ ٱنتَهَوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
39. La dagaallama (gaalada) jeer la waayo fidno (shirki, gaalnimo, caddibaad), oo diinta (daacadda iyo cibaadada) uu yeesho Alle Keliya.Haddayse joojiyaan (shirkiga iyo gaalnimada), Alle waa arkaa waxay falaan.
Tefsiri na arapskom jeziku:
وَإِن تَوَلَّوۡاْ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَوۡلَىٰكُمۡۚ نِعۡمَ ٱلۡمَوۡلَىٰ وَنِعۡمَ ٱلنَّصِيرُ
40. Hadday (ka) jeesadaanna (Iimaanka), ogaada in Alle yahay Mudanahiin, Wanaag badanaa mudanuhu, wanaag badanaana gargaarahu.
Tefsiri na arapskom jeziku:
 
Prijevod značenja Sura: El-Enfal
Indeks sura Broj stranice
 
Prijevod značenja časnog Kur'ana - Prijevod na somalski jezik - Abdullah Hasan Jakub - Sadržaj prijevodā

Prevodilac: Abdullah Hasan Jakub.

Zatvaranje