1. Luqmaan Al-Xakiim. Waxaa la yidhi wuxuu ahaa qaalli ka mid ah qaalliyaashii banii Israa'iil oo la yidhaahdo Gideon. Waxaa sidoo kale la yidhi wuxuu ahaa nin Xabashi ah ama Nuubi.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
12. Waxaanu dhab ahaan siinnay Luqmaan Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Alle. Qofkii ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiise (Alle) ka abaal dhaca, hubaal Alle waa Hodan, Ammaanan.
13. (Xus) markuu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin Alle waxba. Shirkigu waa dulmi (gef) Weyne5.
5. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Aayadda Qur'aanka ee leh: 'Aan ku dheehin iimaankooda dulmi (gef ama gardarro)" loolama jeedo denbiyada yar yar ee dadku galaan ha ka galeen Alle ama iyaga ha iska galeene) waxaase loola jeedaa shirkiga, soo ma aydaan maqal Qowlka Alle : «Xaqiiq, shirkigu hubaal waa dulmi (gef) weyn. (W.w. Al-Bukhaari).
15. Hadday kugula dadaalaan (labadaada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso cid kale cibaadada) wax aad u cilmi lahayn, ha ku adeecin, kulase soco adduunkan si fiican, raacna jidka kan Aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi waxaad fali jirteen.
16. Maandhow! Hubaal hadday tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirka kore ama dhulka hoose, Alle wuu keeni. Hubaal, Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah Xeel Dheer.
18. Ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed6, hana ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Alle ma jecla isla weyne walba oo faan badan.
6. Bal waxa la doonayo waa inaad qaddariso dadka oo ku soo qaabisho wejigaaga oo dhan adigoo muusoonaya muujinaya farxad, oo aad u dhageysato si baraarug leh adigoo aad u daneynaya waxa ay kuu sheegayaan oo ka kala goyneyn hadalka.
32. Markuu hir buuro la moodo uu daboolo (dadka), waxay baryaan Alle Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, waxaa ka mid ah mid dhexdhexeysan8. Ma diidona Aayadahayaga waxaan aheyn axdi laawe kastoo khaa’in ah, abaal dhac badan.
8. Muqtasid waxaa loola jeeedaa qofka aan ugu mahdin Alle oo u badhax tirin cibaadada si dhan oo kaamil ah ee istaagaa meel u dhexeysa Iimaan iyo gaalnimo.
33. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geleyn wax abaal ah ilmihiisa, ilmuhuna u geleyn wax abaal ah waalid. Hubaal, Ballanka Alle waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, yaanuna idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka) xagga Alle.
34. Hubaal Alle Keliya baa Og waqtiga Saacadda (Qiyaame dhaceyso), oo soo dejiya roobka, Wuxuu Og yahay waxa ku jira ilma galeennada9. Nafina ma oga waxay mudan berri10, nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah (Xeel Dheer)11.
9. Wuxuu Ogsoon yahay waxa kasta oo ku saabsan ilmahaa yar hadday tahay markaasi iyo aayaha dambe waxa uu noqon.
10. Dadku ma hubaan waxay fali doonaan berritoole ama ay kasban doonaan, iyadoo sidaas tahay waa inay dadaalaan oo doontaan waxa anfacaya if iyo Aakhiro.
11. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Shan Alle Keliya uun baa ogsoon: waqtiga Saacadda Qiyaame, Roobka kolkuu iman, waxa uurka ku jira, nafi waxay mudan waqtiga soo socda iyo nafi meel ay ku dhiman.”
Contents of the translations can be downloaded and re-published, with the following terms and conditions:
1. No modification, addition, or deletion of the content.
2. Clearly referring to the publisher and the source (QuranEnc.com).
3. Mentioning the version number when re-publishing the translation.
4. Keeping the transcript information inside the document.
5. Notifying the source (QuranEnc.com) of any note on the translation.
6. Updating the translation according to the latest version issued from the source (QuranEnc.com).
7. Inappropriate advertisements must not be included when displaying translations of the meanings of the Noble Quran.
Search results:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".