[1]. Diinta uu Alle aqbalo waa diinta Islaamka ee daahirka ah, ee aan Alle lala wadaajin cidna cibaadada iyo adeecidda iyo maxabbada.
[2]. Seddexdaa mugdi waa mugdiga caloosha, mugdiga riximka, iyo mugdiga xuubka ku dahaaran riximka.
[3]. Arrinkan waa ogeysiin cadhada uu Alle u qabo mushrikiinta inkiraaddooda baaqa Towxiidka darti, waa gooddin adag.
[4]. Daaquut waxaa loola jeedaa shaydaanka, ama wax kastoo la caabudo Alle sokadi iyagoo ku raalli ah caabudiddaas.
[5]. Waa kuwa markay maqlaan samaan iyo xumaan, ka warrama samaanta , kana taga hadalka kiisa xun oo aan ka sheekeynin. Hadal la raacana waxaa u wanaagsan hadalka Alle oo ah Qur’aanka iyo kan Rasuulkiisa (Sunnada Nabiga scw).
[6]. Axkaanta, cilmiga, qisooyinka, iwm waa lagu soo celceliyaa Qur’aanka gudahi si loogu cibrad iyo waano qaato oo dadka u saameyso.
[7]. Halkii gacmahiisa, oo markaasi ku xirnaan doono luquntiisa.
[9]. Aanay fileyn oo ah Cadhadiisa iyo Ciqaabkiisa.
[10]. Macnaha waa ma karaan inay ka joojiyaan Allaah inuu falo waxa uu doono ama inay ka fakadaan Ciqaabkiisa.
[11]. Waa waxaan ahayn qofkii ku dhinta shirki ama gaalnimo.
[13]. La i siiyo fursad aan dib ugu laabto adduunka waxaan fali lahaa camallo san.
[14]. Ee yidhi wuxuu leeyahay xaas ama ilmo ama shuruko.
[16]. Waa ma ay tixgelin tilmaamahiisa wanaagga iyo quruxda badan.
[17]. Macnaha waa ma aha wax ka badan Sacabkiisa muggiis, oo sidaas bay u yar yihiin xagga Alle.
[19]. Furaha jannada waa ashahaadada (Laa ilaaha illal laah).
[20]. Iyagoo heli soo dhoweyn sare, sharfid, iyo maamusid aan la tilmaami karin.