Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Translations’ Index

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the meanings Surah: Al-Jāthiyah   Ayah:
وَبَدَا لَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
33. Waxaa u muuqan (gaalada) xume waxay faleen (ciqaabteedii), waxaana koobi waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).
Arabic explanations of the Qur’an:
وَقِيلَ ٱلۡيَوۡمَ نَنسَىٰكُمۡ كَمَا نَسِيتُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ
34. Waxaana la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa (idiinka tegi Naarta) sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan (aydaan ugu diyaar garoobin Towxiid iyo camallo san), hoygiinnuna waa Naarta, mana jiro cid idiin soo gargaari.
Arabic explanations of the Qur’an:
ذَٰلِكُم بِأَنَّكُمُ ٱتَّخَذۡتُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ هُزُوٗا وَغَرَّتۡكُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَاۚ فَٱلۡيَوۡمَ لَا يُخۡرَجُونَ مِنۡهَا وَلَا هُمۡ يُسۡتَعۡتَبُونَ
35. (Cadaab)kaasi waxaad ku mudateen inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, noloshii adduunka baana idin hodday. Marka Maanta lagama soo saarayo halkaa, lagamana yeelayo cudur daarasho.
Arabic explanations of the Qur’an:
فَلِلَّهِ ٱلۡحَمۡدُ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَرَبِّ ٱلۡأَرۡضِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
36. Ee Ammaan idilkeed iyo Mahadba Alle baa u mudan, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uumanka oo dhan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَلَهُ ٱلۡكِبۡرِيَآءُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
37. Isagaa (Alle) iska leh Weynaan (oo dhan) samooyinka iyo arlada gudahooda, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
Arabic explanations of the Qur’an:
 
Translation of the meanings Surah: Al-Jāthiyah
Surahs’ Index Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Translations’ Index

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

close