Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Translations’ Index

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the meanings Surah: Al-Hujurāt   Ayah:

Al-xujraat

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيِ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ
1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Alle iyo Rasuulkiisa2, dhowrana (amarrada) Alle. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, Wax kasta Og.
1. Al-Xujuraat macnaheedu waa qolalka gaarka ah, waxaana loola jeedaa qololkii ay degganaayeen xaasaskii Nabiga s.c.w.
2. Waxaa loola jeedaa uma bannaana mu’miniinta inay ka bixiyaan wax xukun ah arrin ay ahaataba haddii aanay oggolaansho iyo daliil ka heysan Alle iyo Rasuulkiisa.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَرۡفَعُوٓاْ أَصۡوَٰتَكُمۡ فَوۡقَ صَوۡتِ ٱلنَّبِيِّ وَلَا تَجۡهَرُواْ لَهُۥ بِٱلۡقَوۡلِ كَجَهۡرِ بَعۡضِكُمۡ لِبَعۡضٍ أَن تَحۡبَطَ أَعۡمَٰلُكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تَشۡعُرُونَ
2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga, hana kula tannaagoogina hadalka sida aad isugula tannaagootaan qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dreemeyn.
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَغُضُّونَ أَصۡوَٰتَهُمۡ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱمۡتَحَنَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمۡ لِلتَّقۡوَىٰۚ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٌ عَظِيمٌ
3. Hubaal kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Alle, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Alle imtixaanay xagga dhowrsashadooda, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُنَادُونَكَ مِن وَرَآءِ ٱلۡحُجُرَٰتِ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ
4. Kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad.
Arabic explanations of the Qur’an:
 
Translation of the meanings Surah: Al-Hujurāt
Surahs’ Index Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Translations’ Index

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

close