Check out the new design

ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی سوره: الرحمان   آیه:
مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ يَلۡتَقِيَانِ
19. Wuxuu dareersiiyey labada badood [4] iyagoo kulmi.
4. Labada badood: Midda biyaha macaan iyo midda biyaha dhanaan.
تفسیرهای عربی:
بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٞ لَّا يَبۡغِيَانِ
20. Dhexdooda waxaa ah shareer (soohdin), iskuma xad gudbaan.
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
21. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
تفسیرهای عربی:
يَخۡرُجُ مِنۡهُمَا ٱللُّؤۡلُؤُ وَٱلۡمَرۡجَانُ
22. Waxaa ka soo baxa labadaba luul mid weyn iyo mid yarba.
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
23. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
تفسیرهای عربی:
وَلَهُ ٱلۡجَوَارِ ٱلۡمُنشَـَٔاتُ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ
24. Isagaa (Alle) leh doonyaha dhex maaxa [5] badda ee buuraha la moodo.
5. Haddii loo akhriyo munshi’aatu markaas macnuhu wuxuu noqon ka muuqda.
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
25. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
تفسیرهای عربی:
كُلُّ مَنۡ عَلَيۡهَا فَانٖ
26. Dhammaan waxa dhulka korkiisa ah way dhiman.
تفسیرهای عربی:
وَيَبۡقَىٰ وَجۡهُ رَبِّكَ ذُو ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ
27. Waxaase waari abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan.
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
28. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
تفسیرهای عربی:
يَسۡـَٔلُهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ كُلَّ يَوۡمٍ هُوَ فِي شَأۡنٖ
29. Waxaa wax weydiista (Alle) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Goor kasta wuxuu agaasimaa arrin.
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
30. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
تفسیرهای عربی:
سَنَفۡرُغُ لَكُمۡ أَيُّهَ ٱلثَّقَلَانِ
31. Waanu idinla xisaabtami labadiinna ciidammow culculus [6].
6. Waxaa loola jeedaa labadaa culculus dadka iyo jinka.
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
32. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
تفسیرهای عربی:
يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ إِنِ ٱسۡتَطَعۡتُمۡ أَن تَنفُذُواْ مِنۡ أَقۡطَارِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ فَٱنفُذُواْۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلۡطَٰنٖ
33. Kulanka jinka iyo insigoow! Haddaad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, ka soo gudba. Ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan (xag Alle ah).
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
34. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
تفسیرهای عربی:
يُرۡسَلُ عَلَيۡكُمَا شُوَاظٞ مِّن نَّارٖ وَنُحَاسٞ فَلَا تَنتَصِرَانِ
35. Wuxuu idinku soo diri olol naar ah iyo maar 'la dhalaaliyey' [7], ma kareysaan inaad is difaacdaan.
7. Macne kale waa naxaas.
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
36. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
تفسیرهای عربی:
فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتۡ وَرۡدَةٗ كَٱلدِّهَانِ
37. Markay samadu dillaacdo oo ay noqoto gaduud sida idiinta [8].
8. Sida harag (maqaar) la magdiyey ee gaduudan, waa Maalinta Qiyaamaha markaas baa la idin abaal marin.
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
38. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin [9] beenineysaan?.
9. Macnaha Rabbi waa Abuuraha, Nooleeyaha, Dhinsiiyaha, maamulaha uunka, Irsaaqaha, iwm. Waana Allaah.
تفسیرهای عربی:
فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يُسۡـَٔلُ عَن ذَنۢبِهِۦٓ إِنسٞ وَلَا جَآنّٞ
39. Maalinkaas waxba lagama weydiiyo denbigooda Insi iyo Jinba (oo waa cad yihiin oo la og yahay, waase lagu qiri).
تفسیرهای عربی:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
40. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
تفسیرهای عربی:
يُعۡرَفُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ بِسِيمَٰهُمۡ فَيُؤۡخَذُ بِٱلنَّوَٰصِي وَٱلۡأَقۡدَامِ
41. Denbiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaasaa laga soo qaban foodaha iyo cagaha (oo lagu tuuri Naarta).
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی سوره: الرحمان
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمه‌ى عبدالله حسن یعقوب.

بستن