Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 慈悲あまねきお方章   節:
مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ يَلۡتَقِيَانِ
19. Wuxuu dareersiiyey labada badood4 iyagoo kulmi.
4. Labada badood: Midda biyaha macaan iyo midda biyaha dhanaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٞ لَّا يَبۡغِيَانِ
20. Dhexdooda waxaa ah shareer (soohdin), iskuma xad gudbaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
21. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
يَخۡرُجُ مِنۡهُمَا ٱللُّؤۡلُؤُ وَٱلۡمَرۡجَانُ
22. Waxaa ka soo baxa labadaba luul mid weyn iyo mid yarba.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
23. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَهُ ٱلۡجَوَارِ ٱلۡمُنشَـَٔاتُ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ
24. Isagaa (Alle) leh doonyaha dhex maaxa5 badda ee buuraha la moodo.
5. Haddii loo akhriyo munshi’aatu markaas macnuhu wuxuu noqon ka muuqda.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
25. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
كُلُّ مَنۡ عَلَيۡهَا فَانٖ
26. Dhammaan waxa dhulka korkiisa ah way dhiman.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَيَبۡقَىٰ وَجۡهُ رَبِّكَ ذُو ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ
27. Waxaase waari abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
28. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
يَسۡـَٔلُهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ كُلَّ يَوۡمٍ هُوَ فِي شَأۡنٖ
29. Waxaa wax weydiista (Alle) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Goor kasta wuxuu agaasimaa arrin.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
30. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
سَنَفۡرُغُ لَكُمۡ أَيُّهَ ٱلثَّقَلَانِ
31. Waanu idinla xisaabtami labadiinna ciidammow culculus6.
6. Waxaa loola jeedaa labadaa culculus dadka iyo jinka.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
32. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ إِنِ ٱسۡتَطَعۡتُمۡ أَن تَنفُذُواْ مِنۡ أَقۡطَارِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ فَٱنفُذُواْۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلۡطَٰنٖ
33. Kulanka jinka iyo insigoow! Haddaad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, ka soo gudba. Ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan (xag Alle ah).
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
34. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
يُرۡسَلُ عَلَيۡكُمَا شُوَاظٞ مِّن نَّارٖ وَنُحَاسٞ فَلَا تَنتَصِرَانِ
35. Wuxuu idinku soo diri olol naar ah iyo maar (la dhalaaliyey)7, ma kareysaan inaad is difaacdaan.
7. Macne kale waa naxaas.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
36. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتۡ وَرۡدَةٗ كَٱلدِّهَانِ
37. Markay samadu dillaacdo oo ay noqoto gaduud sida idiinta8.
8. Sida harag (maqaar) la magdiyey ee gaduudan, waa Maalinta Qiyaamaha markaas baa la idin abaal marin.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
38. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin9 beenineysaan?.
9. Macnaha Rabbi waa Abuuraha, Nooleeyaha, Dhinsiiyaha, maamulaha uunka, Irsaaqaha, iwm. Waana Allaah.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يُسۡـَٔلُ عَن ذَنۢبِهِۦٓ إِنسٞ وَلَا جَآنّٞ
39. Maalinkaas waxba lagama weydiiyo denbigooda Insi iyo Jinba (oo waa cad yihiin oo la og yahay, waase lagu qiri).
アラビア語 クルアーン注釈:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
40. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
يُعۡرَفُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ بِسِيمَٰهُمۡ فَيُؤۡخَذُ بِٱلنَّوَٰصِي وَٱلۡأَقۡدَامِ
41. Denbiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaasaa laga soo qaban foodaha iyo cagaha (oo lagu tuuri Naarta).
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 慈悲あまねきお方章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる