Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo Somaliiwo - Yaaquub * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Aaya: (80) Simoore: Simoore roɓo
وَقُل رَّبِّ أَدۡخِلۡنِي مُدۡخَلَ صِدۡقٖ وَأَخۡرِجۡنِي مُخۡرَجَ صِدۡقٖ وَٱجۡعَل لِّي مِن لَّدُنكَ سُلۡطَٰنٗا نَّصِيرٗا
80. Dheh: Rabbiyow! I gali meel gelitaan wanaagsan23, ina bixi bixitaan wanaagsan. Igana sii Xaggaaga awood gargaar ah24.
23. Waa duco Alle laga baryo inuu qofku ku galo cibaadada kagana baxo niyad san oo dar Alle ah oo Alle u barax tiran istus la’aan ama wax fasaadiya ajarka. Aayaddani waxay muujineysaa hijradii Nabiga s.c.w. ee Madiina. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Waa duco Alle laga baryo in qofka qabriga la geeyo isagoo wanaagsan oo ka soo baxo sidoo kale isagoo wanaagsan Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu Nabigu s.c.w. ku duceystey ducadan markuu ka soo baxayey Makkah isagoo u haajiraya Madiina.
24. Oo keliya toban sano kaddib hirjadii Nabiga s.c.w., waxaa Makkah laga sifeeyey sannmadii ku hareersanaa Kacbada.
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Aaya: (80) Simoore: Simoore roɓo
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo Somaliiwo - Yaaquub - Tippudi firooji ɗii

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo e ɗemngal somali, firi ɗum ko Abdullaahi Hasan Yaaquub

Uddude