Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo Somaliiwo - Yaaquub * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simoore feƴ-naange   Aaya:

Suurada Ad-duxaa

وَٱلضُّحَىٰ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Barqada.
Faccirooji aarabeeji:
وَٱلَّيۡلِ إِذَا سَجَىٰ
2. Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).
Faccirooji aarabeeji:
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ
3. Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.
Faccirooji aarabeeji:
وَلَلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لَّكَ مِنَ ٱلۡأُولَىٰ
4. Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).
Faccirooji aarabeeji:
وَلَسَوۡفَ يُعۡطِيكَ رَبُّكَ فَتَرۡضَىٰٓ
5. Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon.
Faccirooji aarabeeji:
أَلَمۡ يَجِدۡكَ يَتِيمٗا فَـَٔاوَىٰ
6. Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?
Faccirooji aarabeeji:
وَوَجَدَكَ ضَآلّٗا فَهَدَىٰ
7. Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?
Faccirooji aarabeeji:
وَوَجَدَكَ عَآئِلٗا فَأَغۡنَىٰ
8. Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?
Faccirooji aarabeeji:
فَأَمَّا ٱلۡيَتِيمَ فَلَا تَقۡهَرۡ
9. Ee agoon, ha dhibin.
Faccirooji aarabeeji:
وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنۡهَرۡ
10.Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin.
Faccirooji aarabeeji:
وَأَمَّا بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثۡ
11. Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, caddee (oo ka mahad celi).
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simoore feƴ-naange
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo Somaliiwo - Yaaquub - Tippudi firooji ɗii

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo e ɗemngal somali, firi ɗum ko Abdullaahi Hasan Yaaquub

Uddude