Check out the new design

Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb * - Lexique des traductions

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduction des sens Sourate: Al Isrâ'   Verset:
۞ قُلۡ كُونُواْ حِجَارَةً أَوۡ حَدِيدًا
50. Dheh: Noqda dhagxaan ama bir.
Les exégèses en arabe:
أَوۡ خَلۡقٗا مِّمَّا يَكۡبُرُ فِي صُدُورِكُمۡۚ فَسَيَقُولُونَ مَن يُعِيدُنَاۖ قُلِ ٱلَّذِي فَطَرَكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةٖۚ فَسَيُنۡغِضُونَ إِلَيۡكَ رُءُوسَهُمۡ وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هُوَۖ قُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ قَرِيبٗا
51. Ama abuur kale ka mid ah waxaa ay aad u adag tahay (in la siiyo nolol) siday idinkula tahay maankiinna.Waxay odhan: Yaa na soo celin? Dheh: Kan idin abuuray kal horeba! Markaa waxay ruxi madaxya- dooda xaggaaga iyagoo leh: Waa goorma? dheh: Waa intaasoo uu dhow yahay.
Les exégèses en arabe:
يَوۡمَ يَدۡعُوكُمۡ فَتَسۡتَجِيبُونَ بِحَمۡدِهِۦ وَتَظُنُّونَ إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا قَلِيلٗا
52. Maalinta uu idiin yeedhi, oo aad ajiibi idinkoo u jeedin ammaan, waxaadna moodi inaydan nagaanin wax yar ma’ahee.
Les exégèses en arabe:
وَقُل لِّعِبَادِي يَقُولُواْ ٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُۚ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ يَنزَغُ بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ كَانَ لِلۡإِنسَٰنِ عَدُوّٗا مُّبِينٗا
53. Ku dheh addoomahayga (inay) ku hadlaan hadal kan u wanaagsan. Hubaal Shaydaanku wuxuu ka dhex abuuraa is nac, kala fogaansho iyo is af garan waa’. Shaydaanna aadmiga abad waa u cadow cad.
Les exégèses en arabe:
رَّبُّكُمۡ أَعۡلَمُ بِكُمۡۖ إِن يَشَأۡ يَرۡحَمۡكُمۡ أَوۡ إِن يَشَأۡ يُعَذِّبۡكُمۡۚ وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ وَكِيلٗا
54. Rabbigiin baa aad idin yaqaan, hadduu doono, wuu idiin naxariisan, ama hadduu doono, wuu idin cadaabi, kuugumana aanu soo dirin(Nabiyow)inaad wakiil ka ahaato.
Les exégèses en arabe:
وَرَبُّكَ أَعۡلَمُ بِمَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَلَقَدۡ فَضَّلۡنَا بَعۡضَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ عَلَىٰ بَعۡضٖۖ وَءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ زَبُورٗا
55. Rabbigaa baana aad u ogsoon waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Waxaan dhab ahaan ka kormarinnay qaar ka mid ah anbiyada qaar kale, Waxaana siinnay Daawuud Zabuur.
Les exégèses en arabe:
قُلِ ٱدۡعُواْ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُم مِّن دُونِهِۦ فَلَا يَمۡلِكُونَ كَشۡفَ ٱلضُّرِّ عَنكُمۡ وَلَا تَحۡوِيلًا
56. Dheh: Bal u yeedha kuwa aad sheegtaan (baridaan Alle) Sokadi18, ma laha awood ay idiinka feydaan waxyeello ama idiinka wareejiyaan (cid kale).
18. Waxay u nisbeeyaan Rabbigood inay shuruko la yihiin ee leh asnaam, malaa’ig, jin, anbiyo, awliyo, iwm.
Les exégèses en arabe:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ يَبۡتَغُونَ إِلَىٰ رَبِّهِمُ ٱلۡوَسِيلَةَ أَيُّهُمۡ أَقۡرَبُ وَيَرۡجُونَ رَحۡمَتَهُۥ وَيَخَافُونَ عَذَابَهُۥٓۚ إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ كَانَ مَحۡذُورٗا
57. Kuwaas ay baryaan (caabudaan), iyaga naf ahaantooda ayaa doona asbaabta u dhowaanshaha Rabbigood19– koodii ugu dhowaansho badnaan - waxayna rajeeyaan Naxariistiisa, oo ka cabasadaan Cadaabkii- sa. Cadaabka Rabbigaana waa wax laga digtoonaado.
19. Waxay mushrikiinta caabudeen Nabigii Alle ee Ciise c.s. iyo malaa’igta, iyo qeyrkoodba, oo ka yeesheen wax u dhoweeya oo ku xiriirsha Alle. Tafsiir kale waa inay Raalli geliyaan, iyagoo qiraya Sarreyntiisa.
Les exégèses en arabe:
وَإِن مِّن قَرۡيَةٍ إِلَّا نَحۡنُ مُهۡلِكُوهَا قَبۡلَ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَوۡ مُعَذِّبُوهَا عَذَابٗا شَدِيدٗاۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَسۡطُورٗا
58. Ma jirto magaalo aynu halaageyn ka hor Maalinta Qiyaame ama aynu cadaabeyn cadaab daran: kani wuxuu ku qoran yahay Kitaabka (Looxa Maxfuudka).
Les exégèses en arabe:
 
Traduction des sens Sourate: Al Isrâ'
Lexique des sourates Numéro de la page
 
Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb - Lexique des traductions

Traduit par 'AbdaLlâh Ḥasan Ya'qûb.

Fermeture