Check out the new design

Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb * - Lexique des traductions

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduction des sens Sourate: Al Anfâl   Verset:
فَلَمۡ تَقۡتُلُوهُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ قَتَلَهُمۡۚ وَمَا رَمَيۡتَ إِذۡ رَمَيۡتَ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ رَمَىٰ وَلِيُبۡلِيَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡهُ بَلَآءً حَسَنًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ
17. Idinku ma aydaan layn (gaalada), Alle baase laayey. Mana aadan ganayn6 markaad ganeysay (cadowga), wuxuuse ahaa Alle Kan Ganay, waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.
6. Markii uu Nabigu s.c.w. ku ganay gacan muggeed oo carro ah wejiyada gaalada, Alle wuxuu sababay inay buuxiso indhaha iyo sanka askari kasta oo ka mid ah gaalada, taasoo u diidday inay horay u soo dhaqaaqaan.
Les exégèses en arabe:
ذَٰلِكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُوهِنُ كَيۡدِ ٱلۡكَٰفِرِينَ
18. Arrinkaa (waa fal Ilaahay) welibana Alle waa liciifiyaha dabinka gaalada.
Les exégèses en arabe:
إِن تَسۡتَفۡتِحُواْ فَقَدۡ جَآءَكُمُ ٱلۡفَتۡحُۖ وَإِن تَنتَهُواْ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡۖ وَإِن تَعُودُواْ نَعُدۡ وَلَن تُغۡنِيَ عَنكُمۡ فِئَتُكُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَوۡ كَثُرَتۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
19. Haddaad (gaaloy) dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka waa idiin yimid, haddaad joojisaanna (colaadda), waa sida idiin khayr roon, haddaad ku noqotaanna (dagaalka) innaguna sidoo kale waan soo rogaal celin, ciidamadiinnuna waxba idiin ma tarayaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, (ogaadana) in Alle uu la jiro mu’mimiinta.
Les exégèses en arabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَأَنتُمۡ تَسۡمَعُونَ
20. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya.
Les exégèses en arabe:
وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ
21. Ha noqonnina sida kuwii yidhi: Maqallay, iyagoon waxba maqlayn.
Les exégèses en arabe:
۞ إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلصُّمُّ ٱلۡبُكۡمُ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡقِلُونَ
22. Hubaal, noole dhul ku socod ah waxaa Alle agtii ugu liita kuwa (ka) dhega la’ (xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn.
Les exégèses en arabe:
وَلَوۡ عَلِمَ ٱللَّهُ فِيهِمۡ خَيۡرٗا لَّأَسۡمَعَهُمۡۖ وَلَوۡ أَسۡمَعَهُمۡ لَتَوَلَّواْ وَّهُم مُّعۡرِضُونَ
23. Hadduu Alle ku og yahay wax khayr ah, wuu msqashiin lahaa (Xaqa), hadduu maqashiiyona, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya.
Les exégèses en arabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱسۡتَجِيبُواْ لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمۡ لِمَا يُحۡيِيكُمۡۖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَحُولُ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَقَلۡبِهِۦ وَأَنَّهُۥٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
24. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ajiiba (baaqa) Alle iyo Rasuul(kiisa) markuu idiinku yeedho wax idin nooleeya7, ogaadana inuu Alle kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin.
7. Wuxuu idiinku yeedhayaa jihaadka iyo dagaal galka si ay kor u ahaato Kelmedda Alle oo u cisoobaan muslimiinta, sidoo kale macnaha waxaa weeye wuxuu idiinku yeerayaa iimaanka iyo hanuunka iyo jihaadka, iyo arrin kasta oo lagu liibaano adduun iyo aakhiraba.
Les exégèses en arabe:
وَٱتَّقُواْ فِتۡنَةٗ لَّا تُصِيبَنَّ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنكُمۡ خَآصَّةٗۖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
25. iska jirana fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee dulmiga fala8; oo ogaada in Alle uu Daran yahay Ciqaabkiisu.
8. Tani waa digniin in ciqaabta ay mar walba sababteed tahay ku caasinta Alle iyo Rasuulkiisa.
Les exégèses en arabe:
 
Traduction des sens Sourate: Al Anfâl
Lexique des sourates Numéro de la page
 
Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb - Lexique des traductions

Traduit par 'AbdaLlâh Ḥasan Ya'qûb.

Fermeture