Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ હજ્   આયત:
وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَلَن يُخۡلِفَ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥۚ وَإِنَّ يَوۡمًا عِندَ رَبِّكَ كَأَلۡفِ سَنَةٖ مِّمَّا تَعُدُّونَ
47. Waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabka. Allena kama baxo Ballankiisa. Hubaal, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay la mid tahay kun sano waxaad idinku tirsataan.
અરબી તફસીરો:
وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ أَمۡلَيۡتُ لَهَا وَهِيَ ظَالِمَةٞ ثُمَّ أَخَذۡتُهَا وَإِلَيَّ ٱلۡمَصِيرُ
48. Badanaa inta magaalo aan u seeto dheereeyey iyadoo la ceegaagan dulmi, kaddib aan qabtay, waana Xaggeyga halka loo soo laabmayo.
અરબી તફસીરો:
قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّمَآ أَنَا۠ لَكُمۡ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
49. Dheh: "Dadow! Waxaan uun anigu idiin ahay Dige Cad (digaya cadaab daran".
અરબી તફસીરો:
فَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ
50. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Jannada gudaheeda).
અરબી તફસીરો:
وَٱلَّذِينَ سَعَوۡاْ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَحِيمِ
51. Kuwase u xusul duubta ka hortagga Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.
અરબી તફસીરો:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ مِن رَّسُولٖ وَلَا نَبِيٍّ إِلَّآ إِذَا تَمَنَّىٰٓ أَلۡقَى ٱلشَّيۡطَٰنُ فِيٓ أُمۡنِيَّتِهِۦ فَيَنسَخُ ٱللَّهُ مَا يُلۡقِي ٱلشَّيۡطَٰنُ ثُمَّ يُحۡكِمُ ٱللَّهُ ءَايَٰتِهِۦۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
52. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuul ama Nabi aan markuu hadlayey (ama wax akhrinayey) aanu wax ku tuurin sheydaanku akhrintiisa, wuxuuse Alle nasakhaa oo tiraa waxa uu shaydaan soo tuuro, markaa Alle sugaa Aayadahiisa16. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
16. Markuu Nabigu s.c.w. akhriyo Aayad loogu digayo gaalada, waxay gaaladu ku kordhin jireen waxaan jirin ama u fasiri jireen si kale, markaasuu Alle caddeeyaa arrimahaa khaladka loo fahmay si uu meesha uga saaro wax mugdi ah ama shaki.
અરબી તફસીરો:
لِّيَجۡعَلَ مَا يُلۡقِي ٱلشَّيۡطَٰنُ فِتۡنَةٗ لِّلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡقَاسِيَةِ قُلُوبُهُمۡۗ وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ لَفِي شِقَاقِۭ بَعِيدٖ
53. Waa si u ugaga yeelo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin. Daalimiintuna (gaalada) waxay ku sugan yihiin gaalnimo iyo khilaaf fog.
અરબી તફસીરો:
وَلِيَعۡلَمَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ أَنَّهُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَيُؤۡمِنُواْ بِهِۦ فَتُخۡبِتَ لَهُۥ قُلُوبُهُمۡۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَهَادِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
54. Waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyey cilmiga inuu (Qur’aankani) yahay xaq ka yimid (Alle) Rabbigaa, oo ay rumeeyaan oo ay u khushuucdo quluubtoodu. Hubaal Alle wuu ku hanuunin kuwa rumeeyey (Xaqa) Jid Toosan (Islaamka).
અરબી તફસીરો:
وَلَا يَزَالُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي مِرۡيَةٖ مِّنۡهُ حَتَّىٰ تَأۡتِيَهُمُ ٱلسَّاعَةُ بَغۡتَةً أَوۡ يَأۡتِيَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمٍ عَقِيمٍ
55. Kuwa gaaloobana ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacdda (Qiyaame) ugu timaaddo kedis ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn17.
17. Maalin daran oo ma dhaleys ah waa maalin aan habeen ka dambeyn, sidaas darteed aan dhali doonin maalin cusub, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ હજ્
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો