Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ વાકિઆ   આયત:
يَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ وِلۡدَٰنٞ مُّخَلَّدُونَ
17. Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doona,
અરબી તફસીરો:
بِأَكۡوَابٖ وَأَبَارِيقَ وَكَأۡسٖ مِّن مَّعِينٖ
18. Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo (khamri saafi ah) xagga il socota (Jannada).
અરબી તફસીરો:
لَّا يُصَدَّعُونَ عَنۡهَا وَلَا يُنزِفُونَ
19. Aanu marnaba madaxu ku wareerin kuna maan guurin.
અરબી તફસીરો:
وَفَٰكِهَةٖ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ
20. Iyo midho waxay doortaan ah.
અરબી તફસીરો:
وَلَحۡمِ طَيۡرٖ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ
21. Iyo hilib shimbiro kay rabaanba.
અરબી તફસીરો:
وَحُورٌ عِينٞ
22. Oo (ay u wehelin doonaan) xuurul cayn.
અરબી તફસીરો:
كَأَمۡثَٰلِ ٱللُّؤۡلُوِٕ ٱلۡمَكۡنُونِ
23. La moodo luul la dhowray.
અરબી તફસીરો:
جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
24. Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen.
અરબી તફસીરો:
لَا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوٗا وَلَا تَأۡثِيمًا
25. Kuma maqlaan (Jannada) hadal macno darro ah iyo denbi midna.
અરબી તફસીરો:
إِلَّا قِيلٗا سَلَٰمٗا سَلَٰمٗا
26. Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad.
અરબી તફસીરો:
وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ
27. Kuwa ah Gacanta Midig, nasiib badanaa kuwa ah Gacanta Midig?.
અરબી તફસીરો:
فِي سِدۡرٖ مَّخۡضُودٖ
28. (Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn.
અરબી તફસીરો:
وَطَلۡحٖ مَّنضُودٖ
29. Iyo geedo Muus ah midho karooran.
અરબી તફસીરો:
وَظِلّٖ مَّمۡدُودٖ
30. Iyo har fidsan,
અરબી તફસીરો:
وَمَآءٖ مَّسۡكُوبٖ
31. Iyo biyo u socda joogto,
અરબી તફસીરો:
وَفَٰكِهَةٖ كَثِيرَةٖ
32. Iyo midho tiro badan.
અરબી તફસીરો:
لَّا مَقۡطُوعَةٖ وَلَا مَمۡنُوعَةٖ
33. Marnaba aan go’eyn, la isuna diideyn.
અરબી તફસીરો:
وَفُرُشٖ مَّرۡفُوعَةٍ
34. Iyo sariiro (boqoreed) la kor yeelay.
અરબી તફસીરો:
إِنَّآ أَنشَأۡنَٰهُنَّ إِنشَآءٗ
35. Waxaan Annaga (Alle ah) ka yeeli inay soo baxaan iyaga (haweenkii adduunka ee Jannada galay) soo bixid gaar ah.
અરબી તફસીરો:
فَجَعَلۡنَٰهُنَّ أَبۡكَارًا
36. Kana dhigi bikrooyin ugub ah.
અરબી તફસીરો:
عُرُبًا أَتۡرَابٗا
37. Gacalooyin, isku wada da’ ah.
અરબી તફસીરો:
لِّأَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ
38. Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig.
અરબી તફસીરો:
ثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ
39. Kuwo badan oo ka mid ah waa facyadii hore.
અરબી તફસીરો:
وَثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ
40. Kuwo badan oo ka mid ahna facyada dambe.
અરબી તફસીરો:
وَأَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ
41.Kuwase ah Gacanta Bidix-ayaan darnaa kuwaa ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka)?
અરબી તફસીરો:
فِي سَمُومٖ وَحَمِيمٖ
42. Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya.
અરબી તફસીરો:
وَظِلّٖ مِّن يَحۡمُومٖ
43. Iyo hoos qiiq badan.
અરબી તફસીરો:
لَّا بَارِدٖ وَلَا كَرِيمٍ
44.Aan laheyn qabow iyo arag fiican midna.
અરબી તફસીરો:
إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُتۡرَفِينَ
45. Waxay ahaayeen taa horteed (adduunka) kuwo ku raaxeysta (xaaraan).
અરબી તફસીરો:
وَكَانُواْ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلۡحِنثِ ٱلۡعَظِيمِ
46. Oo waxay ku adkeysan jireen Denbiga weyn (shirkiga).
અરબી તફસીરો:
وَكَانُواْ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ
47. Waxayna odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo nooleyn (dhimashada kaddib)?.
અરબી તફસીરો:
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ
48. Sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)?
અરબી તફસીરો:
قُلۡ إِنَّ ٱلۡأَوَّلِينَ وَٱلۡأٓخِرِينَ
49. Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba.
અરબી તફસીરો:
لَمَجۡمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَٰتِ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ
50. Waxaa hubaal loo soo kulmin wada jir madal Maalin la yaqaan (Qiyaamada).
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ વાકિઆ
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો