Check out the new design

क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब * - अनुवादों की सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थों का अनुवाद आयत: (255) सूरा: अल्-ब-क़-रा
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡحَيُّ ٱلۡقَيُّومُۚ لَا تَأۡخُذُهُۥ سِنَةٞ وَلَا نَوۡمٞۚ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ مَن ذَا ٱلَّذِي يَشۡفَعُ عِندَهُۥٓ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيۡءٖ مِّنۡ عِلۡمِهِۦٓ إِلَّا بِمَا شَآءَۚ وَسِعَ كُرۡسِيُّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۖ وَلَا يَـُٔودُهُۥ حِفۡظُهُمَاۚ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡعَظِيمُ
255. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha iyo Maamulaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Ma koobi karaan (uumankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu [71] wuu ka ballaadhan yahay samooyinka iyo arlada, mana cusleeyaan ilaalintoodu [72], waana Sarreeyaha weyn [73].
71. Kursiga waa halka cago dhigashada Alle Cazza Wajalla, mana jiro cid og sida uu yahay, waana inaan la isku khaldin Kursiga iyo Carshiga, Carshiga waa ka weyn yahay Kursiga oo wuxuu u yahay sida farraati yar ee lagu tuuray dhul hayjad ah. waxaa sidoo kale lagu fasiray Kursiga Cilmiga Alle.
72. Nabigu s.c.w. wuxuu mar weydiiyey Ubay bin Kacab: Aayaddee baa u weyn Qur’aanka? Ubay wuxuu ku jawaabay: Alle iyo Rasuulkiisa baa iga sii ogsoon. Markaasuu Nabigu s.c.w. mar kale weydiiyey: Ubay wuxuu yidhi: Aayatul Kursi. Markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha kuu shifoobo cilmiga Abuu Mundirow.
73. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii akhrista Aayatul Kursi habeenka marka uu seexanayo wuxuu Alle u yeelaa malag waardiya ah oo ilaaliya, umana soo dhowaado shaydaan ilaa waagu baryo”.
अरबी तफ़सीरें:
 
अर्थों का अनुवाद आयत: (255) सूरा: अल्-ब-क़-रा
सूरों की सूची पृष्ठ संख्या
 
क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब - अनुवादों की सूची

अनुवाद अब्दुल्लाह हसन याक़ूब ने किया है।

बंद करें