Check out the new design

क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब * - अनुवादों की सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थों का अनुवाद सूरा: अल्-फ़ुर्क़ान   आयत:
إِذَا رَأَتۡهُم مِّن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ سَمِعُواْ لَهَا تَغَيُّظٗا وَزَفِيرٗا
12. Markay (Naartu) ka aragto meel fog, waxay ka maqlaan cadho daran iyo cartan.
अरबी तफ़सीरें:
وَإِذَآ أُلۡقُواْ مِنۡهَا مَكَانٗا ضَيِّقٗا مُّقَرَّنِينَ دَعَوۡاْ هُنَالِكَ ثُبُورٗا
13. Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku xidhan, waxay u yeedhan halkaa halaag4.
4. Waxay u rajeeyaan halaaggaa oo u yeertaan thubuur (dhimasho) si aan loogu cadaabin cadaabka daran ee Naarta.
अरबी तफ़सीरें:
لَّا تَدۡعُواْ ٱلۡيَوۡمَ ثُبُورٗا وَٰحِدٗا وَٱدۡعُواْ ثُبُورٗا كَثِيرٗا
14. (Waxaa la odhan): Ha u yeedhannina maanta halaag keliya, ee u yeedha halaag badan5.
5. Thubuuraa waa weedh ay Carabta odhan jireen markay la kulmaan cadow ka xoog badan ama ku dhacdo musiibo weyn, macnaheeduna waxaa weeye Allow naga soo gaadh oo na badbaadi ama nafta naga qaad.
अरबी तफ़सीरें:
قُلۡ أَذَٰلِكَ خَيۡرٌ أَمۡ جَنَّةُ ٱلۡخُلۡدِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۚ كَانَتۡ لَهُمۡ جَزَآءٗ وَمَصِيرٗا
15. Dheh: Ma taasaa wanaagsan - mise Jannada waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale)? Taasi waa u abaal marin iyo aayo wanaagsan.
अरबी तफ़सीरें:
لَّهُمۡ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ خَٰلِدِينَۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ وَعۡدٗا مَّسۡـُٔولٗا
16. Waxay leeyihiin gudaheeda (Jannada) waxay doonaan iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa6.
6. Waa yabooh ay malaa’igta u dalbaan mu’miniinta oo Alle uga baryaan, mu’miniintana sidoo kale Alle weydiistaan.
अरबी तफ़सीरें:
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَقُولُ ءَأَنتُمۡ أَضۡلَلۡتُمۡ عِبَادِي هَٰٓؤُلَآءِ أَمۡ هُمۡ ضَلُّواْ ٱلسَّبِيلَ
17. (Xus) Maalintuu soo kulmin (gaalada) iyo waxay caabudayeen Alle sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinkaa lumiyey addoomahaygaan, mise iyagaa iskood uga lumay Jidka (Toosan ee Islaamka)?.”
अरबी तफ़सीरें:
قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ مَا كَانَ يَنۢبَغِي لَنَآ أَن نَّتَّخِذَ مِن دُونِكَ مِنۡ أَوۡلِيَآءَ وَلَٰكِن مَّتَّعۡتَهُمۡ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ نَسُواْ ٱلذِّكۡرَ وَكَانُواْ قَوۡمَۢا بُورٗا
18. Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adigaa (Allow) iska leh oo ka hufan (xumaan)! Naguma habboona inaan yeelanno awliyo (gargaarayaal) Adiga ka sokow, waxaadse u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, waxayna ahaayeen qolo ba'ay.
अरबी तफ़सीरें:
فَقَدۡ كَذَّبُوكُم بِمَا تَقُولُونَ فَمَا تَسۡتَطِيعُونَ صَرۡفٗا وَلَا نَصۡرٗاۚ وَمَن يَظۡلِم مِّنكُمۡ نُذِقۡهُ عَذَابٗا كَبِيرٗا
19. Sidaasay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kartaan is furasho iyo gargaar midna. Ciddiina wax dulmida oo idinka mid ah waxaanu dhadhansiin cadaab weyn.
अरबी तफ़सीरें:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّآ إِنَّهُمۡ لَيَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَيَمۡشُونَ فِي ٱلۡأَسۡوَاقِۗ وَجَعَلۡنَا بَعۡضَكُمۡ لِبَعۡضٖ فِتۡنَةً أَتَصۡبِرُونَۗ وَكَانَ رَبُّكَ بَصِيرٗا
20. Ma aan dirinna hortaa adiga (Nabiyow) wax Rusul ah oo aan cunayn cunnada, soconayna suuqyada (shaqeysanayn). Waxaana uga yeelnay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee ma samreysaan? Rabbigaana waa Mid Arka (oo u jeeda wax walba).
अरबी तफ़सीरें:
 
अर्थों का अनुवाद सूरा: अल्-फ़ुर्क़ान
सूरों की सूची पृष्ठ संख्या
 
क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब - अनुवादों की सूची

अनुवाद अब्दुल्लाह हसन याक़ूब ने किया है।

बंद करें