Check out the new design

क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब * - अनुवादों की सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थों का अनुवाद सूरा: अर्-रूम   आयत:
وَلَئِنۡ أَرۡسَلۡنَا رِيحٗا فَرَأَوۡهُ مُصۡفَرّٗا لَّظَلُّواْ مِنۢ بَعۡدِهِۦ يَكۡفُرُونَ
51. Haddaan ku dirno dabeyl daran (beertooda), oo ay arkaan iyadoo doorsoontay oo caddaatay, waxay markaas noqdaan kuwo ka abaal dhaca (Alle)10.
10. Ka abaal dhacaan galladihuu siiyey.
अरबी तफ़सीरें:
فَإِنَّكَ لَا تُسۡمِعُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَلَا تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوۡاْ مُدۡبِرِينَ
52. Ee adigu (Nabiyow) wax ma maqashiin kartid maytida, mana maqashiin kartid kuwa dhegaha la’ dhawaaqa, markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
अरबी तफ़सीरें:
وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِ ٱلۡعُمۡيِ عَن ضَلَٰلَتِهِمۡۖ إِن تُسۡمِعُ إِلَّا مَن يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسۡلِمُونَ
53. Mana ka hanuunin kartid kuwa ka indha la’ (Xaqa) lunsanaantooda, cidna ma maqashiin kartid (Xaqa) aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo u hoggaansan (Muslimiinta ah).
अरबी तफ़सीरें:
۞ ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن ضَعۡفٖ ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعۡدِ ضَعۡفٖ قُوَّةٗ ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعۡدِ قُوَّةٖ ضَعۡفٗا وَشَيۡبَةٗۚ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ وَهُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡقَدِيرُ
54. Alle waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Waana Isaga wax kasta Ogsoonaha, wax walba Kara.
अरबी तफ़सीरें:
وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُقۡسِمُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ مَا لَبِثُواْ غَيۡرَ سَاعَةٖۚ كَذَٰلِكَ كَانُواْ يُؤۡفَكُونَ
55. Maalinta saacadda (Qiyaame) dhacdona, waxay ku dhaaran denbiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaasay xaqa uga iishaan.
अरबी तफ़सीरें:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ وَٱلۡإِيمَٰنَ لَقَدۡ لَبِثۡتُمۡ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡبَعۡثِۖ فَهَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡبَعۡثِ وَلَٰكِنَّكُمۡ كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
56. Kuwa la siiyeyna Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan: Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Alle ilaa iyo maalinka isa soo Bixinta, marka kani waa Maalinkii isa soo bixinta, ma aydaanse ogeyn11.
11. Macnaha waa ma aydaan rumeysneyn Xaqa.
अरबी तफ़सीरें:
فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مَعۡذِرَتُهُمۡ وَلَا هُمۡ يُسۡتَعۡتَبُونَ
57. Maalinkaas (Qiyaamaha) ma anfacdo kuwii falay dulmiga (shirki iyo xume) cudur daarasho iyo toobad keen.
अरबी तफ़सीरें:
وَلَقَدۡ ضَرَبۡنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٖۚ وَلَئِن جِئۡتَهُم بِـَٔايَةٖ لَّيَقُولَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا مُبۡطِلُونَ
58. Waxaan ugu soo qaadannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal.
अरबी तफ़सीरें:
كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ
59. Sidaasuu Alle u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn12.
12. Waa kuwa aan dooneyn inay bartaan Xaqa oo ku dhaqmaan ee ka dhoohan.
अरबी तफ़सीरें:
فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۖ وَلَا يَسۡتَخِفَّنَّكَ ٱلَّذِينَ لَا يُوقِنُونَ
60. Ee samir yeelo, hubaal Ballanka Alle waa xaq, yeysanna ku liidsan kuwa aan (Aakhirada) yaqiinsaneyn (oo kaa dhigin mid aan ku sugnaan diintiisa).
अरबी तफ़सीरें:
 
अर्थों का अनुवाद सूरा: अर्-रूम
सूरों की सूची पृष्ठ संख्या
 
क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब - अनुवादों की सूची

अनुवाद अब्दुल्लाह हसन याक़ूब ने किया है।

बंद करें