Check out the new design

Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub * - Daftar isi terjemahan

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Terjemahan makna Surah: Yūsuf   Ayah:
وَرَٰوَدَتۡهُ ٱلَّتِي هُوَ فِي بَيۡتِهَا عَن نَّفۡسِهِۦ وَغَلَّقَتِ ٱلۡأَبۡوَٰبَ وَقَالَتۡ هَيۡتَ لَكَۚ قَالَ مَعَاذَ ٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ رَبِّيٓ أَحۡسَنَ مَثۡوَايَۖ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلظَّٰلِمُونَ
23. Waxaa doontay tii uu gurigeedii joogay inay u soo jiiddo xumaan (zino), waxayna xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: "Allaan ka magan galay (zino iyo khiyaano). Hubaal Rabbigay wuu wanaajiyey hoygeyga. Mana liibaanaan daalimiintu."
Tafsir berbahasa Arab:
وَلَقَدۡ هَمَّتۡ بِهِۦۖ وَهَمَّ بِهَا لَوۡلَآ أَن رَّءَا بُرۡهَٰنَ رَبِّهِۦۚ كَذَٰلِكَ لِنَصۡرِفَ عَنۡهُ ٱلسُّوٓءَ وَٱلۡفَحۡشَآءَۚ إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُخۡلَصِينَ
24. Way ku hammiday (doontay inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa6, hadduusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta, zinada 'iyo khiyaanada'. Hubaal wuxuu ka mid yahay addoomahayaga daacadda ah.
6. Aayaddani ma muujineyso oo lagama qaadanayo in Yuusuf c.s. ku hammiyey inuu xume la falo haweentan, waxaana shaki ku jirin inuu Alle yahay Kan ka dhowray oo ka fogeeyey xumaha.
Tafsir berbahasa Arab:
وَٱسۡتَبَقَا ٱلۡبَابَ وَقَدَّتۡ قَمِيصَهُۥ مِن دُبُرٖ وَأَلۡفَيَا سَيِّدَهَا لَدَا ٱلۡبَابِۚ قَالَتۡ مَا جَزَآءُ مَنۡ أَرَادَ بِأَهۡلِكَ سُوٓءًا إِلَّآ أَن يُسۡجَنَ أَوۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
25. Waxay labaduba u orotameen albaabka, oo ka jeexday shaarkiisa xagga dambe (isagoo ka cararaya denbi), waxayna kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: "Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama cadaab xanuun badan?"
Tafsir berbahasa Arab:
قَالَ هِيَ رَٰوَدَتۡنِي عَن نَّفۡسِيۚ وَشَهِدَ شَاهِدٞ مِّنۡ أَهۡلِهَآ إِن كَانَ قَمِيصُهُۥ قُدَّ مِن قُبُلٖ فَصَدَقَتۡ وَهُوَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
26. Wuxuu yidhi: Iyadaa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, isaguna been buu sheegi.
Tafsir berbahasa Arab:
وَإِن كَانَ قَمِيصُهُۥ قُدَّ مِن دُبُرٖ فَكَذَبَتۡ وَهُوَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
27. Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, isaguna run buu sheegi.
Tafsir berbahasa Arab:
فَلَمَّا رَءَا قَمِيصَهُۥ قُدَّ مِن دُبُرٖ قَالَ إِنَّهُۥ مِن كَيۡدِكُنَّۖ إِنَّ كَيۡدَكُنَّ عَظِيمٞ
28. Markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: "Taasi waa dhagartiinna, dhagartiinnu way weyn tahay (haweenkow)."
Tafsir berbahasa Arab:
يُوسُفُ أَعۡرِضۡ عَنۡ هَٰذَاۚ وَٱسۡتَغۡفِرِي لِذَنۢبِكِۖ إِنَّكِ كُنتِ مِنَ ٱلۡخَاطِـِٔينَ
29. Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan7 oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis denbigaa- ga. Waxaad ka mid tahay kuwa gafaye.
7. Waa qari arrinkan oo ka soo qaad waxaan dhicin.
Tafsir berbahasa Arab:
۞ وَقَالَ نِسۡوَةٞ فِي ٱلۡمَدِينَةِ ٱمۡرَأَتُ ٱلۡعَزِيزِ تُرَٰوِدُ فَتَىٰهَا عَن نَّفۡسِهِۦۖ قَدۡ شَغَفَهَا حُبًّاۖ إِنَّا لَنَرَىٰهَا فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
30. Haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: "Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, jaceylkiisaa qalbiga ka galay, waxaan u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda."
Tafsir berbahasa Arab:
 
Terjemahan makna Surah: Yūsuf
Daftar surah Nomor Halaman
 
Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub - Daftar isi terjemahan

Terjemahannya oleh Abdullah Hasan Yakub.

Tutup