Check out the new design

Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub * - Daftar isi terjemahan

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Terjemahan makna Surah: Yūsuf   Ayah:
فَلَمَّا سَمِعَتۡ بِمَكۡرِهِنَّ أَرۡسَلَتۡ إِلَيۡهِنَّ وَأَعۡتَدَتۡ لَهُنَّ مُتَّكَـٔٗا وَءَاتَتۡ كُلَّ وَٰحِدَةٖ مِّنۡهُنَّ سِكِّينٗا وَقَالَتِ ٱخۡرُجۡ عَلَيۡهِنَّۖ فَلَمَّا رَأَيۡنَهُۥٓ أَكۡبَرۡنَهُۥ وَقَطَّعۡنَ أَيۡدِيَهُنَّ وَقُلۡنَ حَٰشَ لِلَّهِ مَا هَٰذَا بَشَرًا إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا مَلَكٞ كَرِيمٞ
31. Markay maqashay xantoodii bay u cid dirtay oo u diyaarisay fadhi (marti qaad); waxayna siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen ku dhaygageen, (weyneyn darteed) oo iska sareen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan quruxdiisa) oo yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan (xumaan)8 Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh."
8. Alle ee awood u leh inuu abuuro quruxdan oo kale.
Tafsir berbahasa Arab:
قَالَتۡ فَذَٰلِكُنَّ ٱلَّذِي لُمۡتُنَّنِي فِيهِۖ وَلَقَدۡ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفۡسِهِۦ فَٱسۡتَعۡصَمَۖ وَلَئِن لَّمۡ يَفۡعَلۡ مَآ ءَامُرُهُۥ لَيُسۡجَنَنَّ وَلَيَكُونٗا مِّنَ ٱلصَّٰغِرِينَ
32. Waxay tidhi: "Kani waa midkaad igu eedayseen, anigaana doonay naftiisa, wuuse is dhowray, hadduusanna falin waxaan amrayo, wallee waa la xabbisi, wuxuuna ka mid noqon kuwa la liido."
Tafsir berbahasa Arab:
قَالَ رَبِّ ٱلسِّجۡنُ أَحَبُّ إِلَيَّ مِمَّا يَدۡعُونَنِيٓ إِلَيۡهِۖ وَإِلَّا تَصۡرِفۡ عَنِّي كَيۡدَهُنَّ أَصۡبُ إِلَيۡهِنَّ وَأَكُن مِّنَ ٱلۡجَٰهِلِينَ
33. (Yuusuf) wuxuu yidhi: "Rabbiyow! Xabbiskaan ka jeclahay waxay iigu yeedhi (oo xume ah). Haddaadan iga weecin dhagartooda, waan u iilan oo ka mid noqon jaahiliinta."
Tafsir berbahasa Arab:
فَٱسۡتَجَابَ لَهُۥ رَبُّهُۥ فَصَرَفَ عَنۡهُ كَيۡدَهُنَّۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
34. Markaasuu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey dhagartooda, hubaal (Alle) waa Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoonaha ah.
Tafsir berbahasa Arab:
ثُمَّ بَدَا لَهُم مِّنۢ بَعۡدِ مَا رَأَوُاْ ٱلۡأٓيَٰتِ لَيَسۡجُنُنَّهُۥ حَتَّىٰ حِينٖ
35. Dabeeto waxaa u muuqday kaddib markay arkeen caddeymaha9 inay xidhaan ilaa muddo10.
9. Caddeymaha muujinaya inuusan denbi lahayn.
10. Ilaa fadeexadaa la illaabo.
Tafsir berbahasa Arab:
وَدَخَلَ مَعَهُ ٱلسِّجۡنَ فَتَيَانِۖ قَالَ أَحَدُهُمَآ إِنِّيٓ أَرَىٰنِيٓ أَعۡصِرُ خَمۡرٗاۖ وَقَالَ ٱلۡأٓخَرُ إِنِّيٓ أَرَىٰنِيٓ أَحۡمِلُ فَوۡقَ رَأۡسِي خُبۡزٗا تَأۡكُلُ ٱلطَّيۡرُ مِنۡهُۖ نَبِّئۡنَا بِتَأۡوِيلِهِۦٓۖ إِنَّا نَرَىٰكَ مِنَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
36. Waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: "Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro." Kii kalena wuxuu yidhi: "Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cunayeen." Noo sheeg fasirkeeda. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
Tafsir berbahasa Arab:
قَالَ لَا يَأۡتِيكُمَا طَعَامٞ تُرۡزَقَانِهِۦٓ إِلَّا نَبَّأۡتُكُمَا بِتَأۡوِيلِهِۦ قَبۡلَ أَن يَأۡتِيَكُمَاۚ ذَٰلِكُمَا مِمَّا عَلَّمَنِي رَبِّيٓۚ إِنِّي تَرَكۡتُ مِلَّةَ قَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ
37. Wuxuu yidhi: "Ma jirto cunto la idin siin oo aanan idiin sheegi doonin fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Alle oo ah kuwa beeniya Aakhirada.
Tafsir berbahasa Arab:
 
Terjemahan makna Surah: Yūsuf
Daftar surah Nomor Halaman
 
Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub - Daftar isi terjemahan

Terjemahannya oleh Abdullah Hasan Yakub.

Tutup