Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub

Nomor Halaman:close

external-link copy
48 : 9

لَقَدِ ٱبۡتَغَوُاْ ٱلۡفِتۡنَةَ مِن قَبۡلُ وَقَلَّبُواْ لَكَ ٱلۡأُمُورَ حَتَّىٰ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَظَهَرَ أَمۡرُ ٱللَّهِ وَهُمۡ كَٰرِهُونَ

48. Waxay idinla dooneen fidmo kal hore, oo ay kuu rogeen umuuraha [17], jeer xaqu yimid oo Amarka Alle (guusha) noqotay mid cad oo muuqata iyagoo nacaya aan raalli ka aheyn. info

[17]. Waxay kuu geddiyeen arrimahii adiga kula xiriiray (iyagoo ka fakarayey siday kuu fashilan lahaayeen), sidaas awgeed bay ku halaagsameen.

التفاسير:

external-link copy
49 : 9

وَمِنۡهُم مَّن يَقُولُ ٱئۡذَن لِّي وَلَا تَفۡتِنِّيٓۚ أَلَا فِي ٱلۡفِتۡنَةِ سَقَطُواْۗ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ

49. Waxaana ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga fadhiyo) oo ha i fidmayn [18]. Waxayba ku dhaceen fidmo. Jahannama baana koobi gaalada. info

[18]. Munaafiqiinta waxay qabeen inay naftooda ku badbaadsasdeen ku hadhiddooda gadaal.

التفاسير:

external-link copy
50 : 9

إِن تُصِبۡكَ حَسَنَةٞ تَسُؤۡهُمۡۖ وَإِن تُصِبۡكَ مُصِيبَةٞ يَقُولُواْ قَدۡ أَخَذۡنَآ أَمۡرَنَا مِن قَبۡلُ وَيَتَوَلَّواْ وَّهُمۡ فَرِحُونَ

50. Hadday samaani ku heleesho, waa murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday musiibo kugu dhacdona, waxay yidhaahdaan: Waxaan qaadannay digtoonidayada kal hore, waxayna sii jeestaan iyagoo faraxsan. info
التفاسير:

external-link copy
51 : 9

قُل لَّن يُصِيبَنَآ إِلَّا مَا كَتَبَ ٱللَّهُ لَنَا هُوَ مَوۡلَىٰنَاۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

51. Dheh: Waxba naguma dhacayaan wuxuu Alle noo qoray maahee. Isagaa ah Gargaarahayaga. Alle oo keliya ha talo saarteen mu'miniintu. info
التفاسير:

external-link copy
52 : 9

قُلۡ هَلۡ تَرَبَّصُونَ بِنَآ إِلَّآ إِحۡدَى ٱلۡحُسۡنَيَيۡنِۖ وَنَحۡنُ نَتَرَبَّصُ بِكُمۡ أَن يُصِيبَكُمُ ٱللَّهُ بِعَذَابٖ مِّنۡ عِندِهِۦٓ أَوۡ بِأَيۡدِينَاۖ فَتَرَبَّصُوٓاْ إِنَّا مَعَكُم مُّتَرَبِّصُونَ

52. Dheh: Ma waad nala sugtaan waxaan aheyn labada wanaagsan middood (guul ama geeri)? halkaan innagu idinla sugno inuu Alle idinku rido ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah. Ee suga (waxa nagu dhaca), innaguna la jirkiin waa sugeynaa (waxa idinku dhaca). info
التفاسير:

external-link copy
53 : 9

قُلۡ أَنفِقُواْ طَوۡعًا أَوۡ كَرۡهٗا لَّن يُتَقَبَّلَ مِنكُمۡ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ

53. Dheh: Ku bixiya wax Jidka Alle idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, marnaba la idinkama aqbalee. Waayo waxaad tihiin qolo fallaago ah. info
التفاسير:

external-link copy
54 : 9

وَمَا مَنَعَهُمۡ أَن تُقۡبَلَ مِنۡهُمۡ نَفَقَٰتُهُمۡ إِلَّآ أَنَّهُمۡ كَفَرُواْ بِٱللَّهِ وَبِرَسُولِهِۦ وَلَا يَأۡتُونَ ٱلصَّلَوٰةَ إِلَّا وَهُمۡ كُسَالَىٰ وَلَا يُنفِقُونَ إِلَّا وَهُمۡ كَٰرِهُونَ

54. Waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan aheyn inay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa; mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee [19]; waxnana ma bixiyaan iyagoo kahanaya maahee. info

[19]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma jirto salaad uga culus munaafiqiinta salaadda Subax iyo Cishe, haddayna ogaan lahaayeen waxa ku jira oo ajar ah, waa ay imaan lahaayeen kolay u soo guurguurtaan”. W.w. Al-Bukhaari.

التفاسير: