Check out the new design

ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ් * - පරිවර්තන පටුන

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

අර්ථ කථනය පරිච්ඡේදය: අත් තව්බා   වාක්‍යය:
لَقَدِ ٱبۡتَغَوُاْ ٱلۡفِتۡنَةَ مِن قَبۡلُ وَقَلَّبُواْ لَكَ ٱلۡأُمُورَ حَتَّىٰ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَظَهَرَ أَمۡرُ ٱللَّهِ وَهُمۡ كَٰرِهُونَ
48. Waxay idinla dooneen fidmo kal hore, oo ay kuu rogeen umuuraha [17], jeer xaqu yimid oo Amarka Alle (guusha) noqotay mid cad oo muuqata iyagoo nacaya aan raalli ka aheyn.
17. Waxay kuu geddiyeen arrimahii adiga kula xiriiray (iyagoo ka fakarayey siday kuu fashilan lahaayeen), sidaas awgeed bay ku halaagsameen.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
وَمِنۡهُم مَّن يَقُولُ ٱئۡذَن لِّي وَلَا تَفۡتِنِّيٓۚ أَلَا فِي ٱلۡفِتۡنَةِ سَقَطُواْۗ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ
49. Waxaana ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga fadhiyo) oo ha i fidmayn [18]. Waxayba ku dhaceen fidmo. Jahannama baana koobi gaalada.
18. Munaafiqiinta waxay qabeen inay naftooda ku badbaadsasdeen ku hadhiddooda gadaal.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
إِن تُصِبۡكَ حَسَنَةٞ تَسُؤۡهُمۡۖ وَإِن تُصِبۡكَ مُصِيبَةٞ يَقُولُواْ قَدۡ أَخَذۡنَآ أَمۡرَنَا مِن قَبۡلُ وَيَتَوَلَّواْ وَّهُمۡ فَرِحُونَ
50. Hadday samaani ku heleesho, waa murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday musiibo kugu dhacdona, waxay yidhaahdaan: Waxaan qaadannay digtoonidayada kal hore, waxayna sii jeestaan iyagoo faraxsan.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
قُل لَّن يُصِيبَنَآ إِلَّا مَا كَتَبَ ٱللَّهُ لَنَا هُوَ مَوۡلَىٰنَاۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
51. Dheh: Waxba naguma dhacayaan wuxuu Alle noo qoray maahee. Isagaa ah Gargaarahayaga. Alle oo keliya ha talo saarteen mu'miniintu.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
قُلۡ هَلۡ تَرَبَّصُونَ بِنَآ إِلَّآ إِحۡدَى ٱلۡحُسۡنَيَيۡنِۖ وَنَحۡنُ نَتَرَبَّصُ بِكُمۡ أَن يُصِيبَكُمُ ٱللَّهُ بِعَذَابٖ مِّنۡ عِندِهِۦٓ أَوۡ بِأَيۡدِينَاۖ فَتَرَبَّصُوٓاْ إِنَّا مَعَكُم مُّتَرَبِّصُونَ
52. Dheh: Ma waad nala sugtaan waxaan aheyn labada wanaagsan middood (guul ama geeri)? halkaan innagu idinla sugno inuu Alle idinku rido ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah. Ee suga (waxa nagu dhaca), innaguna la jirkiin waa sugeynaa (waxa idinku dhaca).
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
قُلۡ أَنفِقُواْ طَوۡعًا أَوۡ كَرۡهٗا لَّن يُتَقَبَّلَ مِنكُمۡ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
53. Dheh: Ku bixiya wax Jidka Alle idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, marnaba la idinkama aqbalee. Waayo waxaad tihiin qolo fallaago ah.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
وَمَا مَنَعَهُمۡ أَن تُقۡبَلَ مِنۡهُمۡ نَفَقَٰتُهُمۡ إِلَّآ أَنَّهُمۡ كَفَرُواْ بِٱللَّهِ وَبِرَسُولِهِۦ وَلَا يَأۡتُونَ ٱلصَّلَوٰةَ إِلَّا وَهُمۡ كُسَالَىٰ وَلَا يُنفِقُونَ إِلَّا وَهُمۡ كَٰرِهُونَ
54. Waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan aheyn inay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa; mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee [19]; waxnana ma bixiyaan iyagoo kahanaya maahee.
19. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma jirto salaad uga culus munaafiqiinta salaadda Subax iyo Cishe, haddayna ogaan lahaayeen waxa ku jira oo ajar ah, waa ay imaan lahaayeen kolay u soo guurguurtaan”. W.w. Al-Bukhaari.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
 
අර්ථ කථනය පරිච්ඡේදය: අත් තව්බා
සූරා පටුන පිටු අංක
 
ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ් - පරිවර්තන පටුන

මෙය අබ්දුල්ලාහ් හසන් යඃකූබ් විසින් පරිවර්තනය කරන ලදී.

වසන්න