Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: フード章   節:
وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ ٱلنَّاسَ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخۡتَلِفِينَ
118. Hadduu doono Rabbigaa, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, mase dayn doonan inay iskhilaafaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمۡۗ وَتَمَّتۡ كَلِمَةُ رَبِّكَ لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلۡجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ
119. Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, arrinkani (towxiidka) awgi buuna Alle u abuuray. Wayna taam noqon Kelmedda Rabbigaa oo ah: "Waxaan ka buuxin Jahannama jinka iyo dadkoo dhammi (igu caasiya)".
アラビア語 クルアーン注釈:
وَكُلّٗا نَّقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلرُّسُلِ مَا نُثَبِّتُ بِهِۦ فُؤَادَكَۚ وَجَآءَكَ فِي هَٰذِهِ ٱلۡحَقُّ وَمَوۡعِظَةٞ وَذِكۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
120. Dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Waxaana kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَقُل لِّلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنَّا عَٰمِلُونَ
121. Ku dheh kuwa aan (Xaqa) rumaynin: U camal fasha sidiinnaas dowga idinla ah, innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَٱنتَظِرُوٓاْ إِنَّا مُنتَظِرُونَ
122. Oo suga (cidhibta arrinkiinna), innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلِلَّهِ غَيۡبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ يُرۡجَعُ ٱلۡأَمۡرُ كُلُّهُۥ فَٱعۡبُدۡهُ وَتَوَكَّلۡ عَلَيۡهِۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
123. Alle baa iska leh waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isagoo Keliya (adigoon waxba u shariig yeelin); oo tala saaro. Rabbigaa ma aha mid moog waxaad falaysaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: フード章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる