Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: ユースフ章   節:
وَمَا تَسۡـَٔلُهُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
104. Wax abaalgud ahna kuma weydiisatid (Qur’aan)kani darti; (Qur’aankani) wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَكَأَيِّن مِّنۡ ءَايَةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ يَمُرُّونَ عَلَيۡهَا وَهُمۡ عَنۡهَا مُعۡرِضُونَ
105. Badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan iyagoo ka jeedsan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَا يُؤۡمِنُ أَكۡثَرُهُم بِٱللَّهِ إِلَّا وَهُم مُّشۡرِكُونَ
106. Badankoodna ma rumeeyaan Alle
iyagoo wax la wadaajinaya (cibaadada) maahee oo u shariig yeelaya.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَفَأَمِنُوٓاْ أَن تَأۡتِيَهُمۡ غَٰشِيَةٞ مِّنۡ عَذَابِ ٱللَّهِ أَوۡ تَأۡتِيَهُمُ ٱلسَّاعَةُ بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
107. Ee ma waxay (dadku) ka yihiin aamin inay u timaaddo daboosho Cadaabka Alle ah, ama ugu timaaddo Saacadda (Qiyaame) kedis iyagoon dareemeyn.
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلۡ هَٰذِهِۦ سَبِيلِيٓ أَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۚ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا۠ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِيۖ وَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
108. Dheh: Kani (Islaamka) waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Alle, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Xurmo oo dhanna waxaa iska leh oo (xumaan) ka Hufan Alle, aniguna ka mid ma ahi mushrikiinta.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِم مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡقُرَىٰٓۗ أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۗ وَلَدَارُ ٱلۡأٓخِرَةِ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
109. Ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay. Ee miyeyna33 marin dhulka oo fiirinin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee Xaqa beeniyey)? Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha). Ee miyeydaan garowsaneyn?
33.Kuwa beeniya Nabi Muxammad s.c.w.
アラビア語 クルアーン注釈:
حَتَّىٰٓ إِذَا ٱسۡتَيۡـَٔسَ ٱلرُّسُلُ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُمۡ قَدۡ كُذِبُواْ جَآءَهُمۡ نَصۡرُنَا فَنُجِّيَ مَن نَّشَآءُۖ وَلَا يُرَدُّ بَأۡسُنَا عَنِ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
110. Jeer markay Rusushu quustaan oo ya- qiinsadaan in la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa ciddaan doonno, lagamana celiyo Baaskayaga qoloda denbiilayaasha ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَقَدۡ كَانَ فِي قَصَصِهِمۡ عِبۡرَةٞ لِّأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِۗ مَا كَانَ حَدِيثٗا يُفۡتَرَىٰ وَلَٰكِن تَصۡدِيقَ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَتَفۡصِيلَ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
111. Waxaa ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha (Qur’aankani) hadal la been abuurtay, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), iyo caddeynta wax kasta34, waana u hanuun iyo naxariis ciddii rumayn (Xaqa).
34. Caqiidada, axkaanta, xalaasha xaaraanta, adaabta iyo debciga san.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: ユースフ章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる