Check out the new design

क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब * - अनुवादों की सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थों का अनुवाद सूरा: यूसुफ़   आयत:
وَمَا تَسۡـَٔلُهُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
104. Wax abaalgud ahna kuma weydiisatid (Qur’aan)kani darti; (Qur’aankani) wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka.
अरबी तफ़सीरें:
وَكَأَيِّن مِّنۡ ءَايَةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ يَمُرُّونَ عَلَيۡهَا وَهُمۡ عَنۡهَا مُعۡرِضُونَ
105. Badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan iyagoo ka jeedsan.
अरबी तफ़सीरें:
وَمَا يُؤۡمِنُ أَكۡثَرُهُم بِٱللَّهِ إِلَّا وَهُم مُّشۡرِكُونَ
106. Badankoodna ma rumeeyaan Alle
iyagoo wax la wadaajinaya (cibaadada) maahee oo u shariig yeelaya.
अरबी तफ़सीरें:
أَفَأَمِنُوٓاْ أَن تَأۡتِيَهُمۡ غَٰشِيَةٞ مِّنۡ عَذَابِ ٱللَّهِ أَوۡ تَأۡتِيَهُمُ ٱلسَّاعَةُ بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
107. Ee ma waxay (dadku) ka yihiin aamin inay u timaaddo daboosho Cadaabka Alle ah, ama ugu timaaddo Saacadda (Qiyaame) kedis iyagoon dareemeyn.
अरबी तफ़सीरें:
قُلۡ هَٰذِهِۦ سَبِيلِيٓ أَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۚ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا۠ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِيۖ وَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
108. Dheh: Kani (Islaamka) waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Alle, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Xurmo oo dhanna waxaa iska leh oo (xumaan) ka Hufan Alle, aniguna ka mid ma ahi mushrikiinta.
अरबी तफ़सीरें:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِم مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡقُرَىٰٓۗ أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۗ وَلَدَارُ ٱلۡأٓخِرَةِ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
109. Ma aanu soo dirinna hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay. Ee miyeyna33 marin dhulka oo fiirinin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee Xaqa beeniyey)? Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha). Ee miyeydaan garowsaneyn?
33.Kuwa beeniya Nabi Muxammad s.c.w.
अरबी तफ़सीरें:
حَتَّىٰٓ إِذَا ٱسۡتَيۡـَٔسَ ٱلرُّسُلُ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُمۡ قَدۡ كُذِبُواْ جَآءَهُمۡ نَصۡرُنَا فَنُجِّيَ مَن نَّشَآءُۖ وَلَا يُرَدُّ بَأۡسُنَا عَنِ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
110. Jeer markay Rusushu quustaan oo ya- qiinsadaan in la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa ciddaan doonno, lagamana celiyo Baaskayaga qoloda denbiilayaasha ah.
अरबी तफ़सीरें:
لَقَدۡ كَانَ فِي قَصَصِهِمۡ عِبۡرَةٞ لِّأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِۗ مَا كَانَ حَدِيثٗا يُفۡتَرَىٰ وَلَٰكِن تَصۡدِيقَ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَتَفۡصِيلَ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
111. Waxaa ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha (Qur’aankani) hadal la been abuurtay, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), iyo caddeynta wax kasta (caqiidada, axkaanta, xalaasha xaaraanta, adaabta iyo debciga san) waana u hanuun iyo naxariis ciddii rumayn (Xaqa).
अरबी तफ़सीरें:
 
अर्थों का अनुवाद सूरा: यूसुफ़
सूरों की सूची पृष्ठ संख्या
 
क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब - अनुवादों की सूची

अनुवाद अब्दुल्लाह हसन याक़ूब ने किया है।

बंद करें