Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 洞窟章   節:
وَكَذَٰلِكَ أَعۡثَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ لِيَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ لَا رَيۡبَ فِيهَآ إِذۡ يَتَنَٰزَعُونَ بَيۡنَهُمۡ أَمۡرَهُمۡۖ فَقَالُواْ ٱبۡنُواْ عَلَيۡهِم بُنۡيَٰنٗاۖ رَّبُّهُمۡ أَعۡلَمُ بِهِمۡۚ قَالَ ٱلَّذِينَ غَلَبُواْ عَلَىٰٓ أَمۡرِهِمۡ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيۡهِم مَّسۡجِدٗا
21. Sidaasaan uga yeellay8 (dadka) inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in Ballanka Alle xaq yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin9. (Waxaan tusinay) markay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo10; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan ka dhiseynaa masjid halkoodii.
8. Doonista Alle.
9. Waxay isku khilaafeen Maalinta Qiyaamaha inay dhaceyso iyo in kale? Ma waxaa la soo saari jirka iyo ruuxda oo isku dhan? Mise ruuxda keliya? Markaasuu Alle ka yeelay inay la kulmaan dhallinyaradan lagu xusay qisadan oo u caddeeyey in Qiyaamuhu iman oo la soo bixin doono jirka iyo ruuxda oo isku dhan.
10.Waxaan ka dhigi goobtan meel cibaado.
アラビア語 クルアーン注釈:
سَيَقُولُونَ ثَلَٰثَةٞ رَّابِعُهُمۡ كَلۡبُهُمۡ وَيَقُولُونَ خَمۡسَةٞ سَادِسُهُمۡ كَلۡبُهُمۡ رَجۡمَۢا بِٱلۡغَيۡبِۖ وَيَقُولُونَ سَبۡعَةٞ وَثَامِنُهُمۡ كَلۡبُهُمۡۚ قُل رَّبِّيٓ أَعۡلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعۡلَمُهُمۡ إِلَّا قَلِيلٞۗ فَلَا تُمَارِ فِيهِمۡ إِلَّا مِرَآءٗ ظَٰهِرٗا وَلَا تَسۡتَفۡتِ فِيهِم مِّنۡهُمۡ أَحَدٗا
22. (Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) saddex waxaana afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan waxaana lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga in yar maahe11. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Waxnana ha ka weydiin arrinkooda midkoodna.
11. Xagga Qur’aanka, ee ah xujada keliya ee la hubo inuu xaq yahay, wuxuuna Qur’aanka tilmaamay inay ahaayeen toddoba.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَا تَقُولَنَّ لِشَاْيۡءٍ إِنِّي فَاعِلٞ ذَٰلِكَ غَدًا
23. Ha odhan waxaasaan fali berritoole.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ وَٱذۡكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَهۡدِيَنِ رَبِّي لِأَقۡرَبَ مِنۡ هَٰذَا رَشَدٗا
24. (adigoo aan raacin) inshaa Allaah “Hadduu Alle idmo12". Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.
12.Waxaa soo arooray inay qaar ka mid ah Yuhuudda ay su’aaleen Nabiga s.c.w. ruuxda iyo qisadii asxbaaul Kahaf iyo Dul Qarnayn. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ii kaalaya berrito anigaa idin sheegiye, mana odhan inshaa Allaah. Laakiinse waxyi kuma soo degin maalintii xigtay oo Nabigu s.c.w. uma uusan jawaabin? Kaddib waxaa soo degay Aayadaha 23- 24 ee la xidhiidha arrinkaas waxaana halkaa darsin lagu siiyey Nabiga s.c.w. wuxuu Alle kaga digay inuu ilaabo inuu yidhaahdo Inshaa Allaah markaas oo kale, waana u dersin sidoo kale ummaddiisa.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَبِثُواْ فِي كَهۡفِهِمۡ ثَلَٰثَ مِاْئَةٖ سِنِينَ وَٱزۡدَادُواْ تِسۡعٗا
25. Waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin (sannad bileedka).
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلِ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا لَبِثُواْۖ لَهُۥ غَيۡبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ أَبۡصِرۡ بِهِۦ وَأَسۡمِعۡۚ مَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِيّٖ وَلَا يُشۡرِكُ فِي حُكۡمِهِۦٓ أَحَدٗا
26. Dheh: Alle baa aad u ogsoon intay negaadeen, isagaa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, lamana wadaajiyo Xukunkiisa axadna.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَٱتۡلُ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِن كِتَابِ رَبِّكَۖ لَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَن تَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلۡتَحَدٗا
27. Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Rabbigaa ah, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, mana heleysid wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 洞窟章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる