Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 洞窟章   節:
فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَىٰهُ ءَاتِنَا غَدَآءَنَا لَقَدۡ لَقِينَا مِن سَفَرِنَا هَٰذَا نَصَبٗا
62. Markay in badan dhaafeen, wuxuu (Muuse) ku yidhi adeegihiisii: Noo keen qadadeenna; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالَ أَرَءَيۡتَ إِذۡ أَوَيۡنَآ إِلَى ٱلصَّخۡرَةِ فَإِنِّي نَسِيتُ ٱلۡحُوتَ وَمَآ أَنسَىٰنِيهُ إِلَّا ٱلشَّيۡطَٰنُ أَنۡ أَذۡكُرَهُۥۚ وَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِي ٱلۡبَحۡرِ عَجَبٗا
63. (Yuushac) wuxuu yidhi: Ma aragtay markaan ku nasannay buurtii dhagaxa ahayd, waxaan hilmaamay kalluunkii, mana jiro wax I hilmaansiiyey inaan xuso aan ahayn shaydaan. Wuxuuna (kalluunka) qaaday jidkiisa xagga badda si cajab leh!
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبۡغِۚ فَٱرۡتَدَّا عَلَىٰٓ ءَاثَارِهِمَا قَصَصٗا
64. (Muuse) wuxuu yidhi: Arrinkani waa waxaanu doonaynay, markaasay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَوَجَدَا عَبۡدٗا مِّنۡ عِبَادِنَآ ءَاتَيۡنَٰهُ رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَا وَعَلَّمۡنَٰهُ مِن لَّدُنَّا عِلۡمٗا
65. Markaasay ka heleen halkaa addoon ka mid ah addoomahayga oo aan siinnay Naxariis xaggayaga ah, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi16.
16. Mufasiriinta qaarkood waxay sheegeen iyagoo daliilsanaya xadiis laga soo weriyey Nabiga s.c.w. in addoonka halkan loola jeedo Al-Khadir, naxariistana loola jeedo Waxyiga iyo Nabinnimada la siiyey, cilmigana loo jeedo cilmi Ghaybka sida ku iman doonto Aayadaha xiga. Caamada qaar ayaa rumeysan inuu Khadir dhiman oo nool yahay, taasina ma aha sax, waayo waxaa soo arooray axaadiis muujinaya inuusan nooleyn. Hadduu nool yahay wuxuu u iman lahaa Nabiga s.c.w. oo rumeyn lahaa oo u gargaari laha. Nabigu s.c.w. wuxuu mar xadiis ku sheegay in wixii ka billowda maalintaas hadday ka soo wareegto boqol sano axadna dhulka ku nool markaa uusan noolaan doonin boqol sano kaddib. Qisadanina waxay dhex martay Al-Khadir iyo Nabi, wiilka la socday Nabi Muuse oo u adeegayeyna wuxuu ahaa Yuushac bin Nuun oo isna Nabi noqday ka mid ah anbiyadii ilmihii Israa’iil waa’ dambe kaddib Muuse c.s.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰ هَلۡ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰٓ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمۡتَ رُشۡدٗا
66. Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raaci karaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالَ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا
67. (Khadir) wuxuu yidhi: Adigu ma kareysid la jirkayga samir.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَكَيۡفَ تَصۡبِرُ عَلَىٰ مَا لَمۡ تُحِطۡ بِهِۦ خُبۡرٗا
68. Sidee baadna ugu samir yeelan waxaadan cilmi ku koobin?
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالَ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ صَابِرٗا وَلَآ أَعۡصِي لَكَ أَمۡرٗا
69. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddii Alle Idmo, waxaad iga heli samir, kugumana caasinayo arrinna.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالَ فَإِنِ ٱتَّبَعۡتَنِي فَلَا تَسۡـَٔلۡنِي عَن شَيۡءٍ حَتَّىٰٓ أُحۡدِثَ لَكَ مِنۡهُ ذِكۡرٗا
70. (Khadir) wuxuu yidhi: Haddaad i raacdo markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan kaaga warramo maahee.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا رَكِبَا فِي ٱلسَّفِينَةِ خَرَقَهَاۖ قَالَ أَخَرَقۡتَهَا لِتُغۡرِقَ أَهۡلَهَا لَقَدۡ جِئۡتَ شَيۡـًٔا إِمۡرٗا
71. Markaasay tageen ilaa ay koreen doonni, oo uu duleeliyey (looxii doonta); (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Waxaad la timid arrin fool xun.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالَ أَلَمۡ أَقُلۡ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا
72.Wuxuu yiri: Miyaanan kugu odhan, adigu ma kareysid la jirkayga samir?
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالَ لَا تُؤَاخِذۡنِي بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرۡهِقۡنِي مِنۡ أَمۡرِي عُسۡرٗا
73. (Muuse) wuxuu yidhi: Ha ii qabanin waxaan hilmaamo17, hana igu kallifin wax adag aan dhibsado arrinkaygan (wax barashada) darteed.
17. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuu u dhaafay ummadeyda (wixii ku soo dhaca) naftooda (oo camallo xun ah) marba haddaysan ku dhaqmin ama ku dhawaaqin iyo wixii halmaan uga dhaca iyo wixii lagu qasbo.».
アラビア語 クルアーン注釈:
فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا لَقِيَا غُلَٰمٗا فَقَتَلَهُۥ قَالَ أَقَتَلۡتَ نَفۡسٗا زَكِيَّةَۢ بِغَيۡرِ نَفۡسٖ لَّقَدۡ جِئۡتَ شَيۡـٔٗا نُّكۡرٗا
74. Way tageen ilaa ay la kulmeen wiil (yar), markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf dilin? Waxaad la timid wax xun oo aan la qaadan karin.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 洞窟章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる