Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 雌牛章   節:
كُتِبَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡقِتَالُ وَهُوَ كُرۡهٞ لَّكُمۡۖ وَعَسَىٰٓ أَن تَكۡرَهُواْ شَيۡـٔٗا وَهُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡۖ وَعَسَىٰٓ أَن تُحِبُّواْ شَيۡـٔٗا وَهُوَ شَرّٞ لَّكُمۡۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
216. Waxaa la idinku waajibiyey dagaal gelid inkastoo aad neceb tihiin, waxaa laga yaabaa inaad wax nacdaan isagoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad wax jeclaataan isagoo shar idiin ah, Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلشَّهۡرِ ٱلۡحَرَامِ قِتَالٖ فِيهِۖ قُلۡ قِتَالٞ فِيهِ كَبِيرٞۚ وَصَدٌّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَكُفۡرُۢ بِهِۦ وَٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ وَإِخۡرَاجُ أَهۡلِهِۦ مِنۡهُ أَكۡبَرُ عِندَ ٱللَّهِۚ وَٱلۡفِتۡنَةُ أَكۡبَرُ مِنَ ٱلۡقَتۡلِۗ وَلَا يَزَالُونَ يُقَٰتِلُونَكُمۡ حَتَّىٰ يَرُدُّوكُمۡ عَن دِينِكُمۡ إِنِ ٱسۡتَطَٰعُواْۚ وَمَن يَرۡتَدِدۡ مِنكُمۡ عَن دِينِهِۦ فَيَمُتۡ وَهُوَ كَافِرٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
217. Waxay wax kaa weydiin bisha xurmadda gaarka ahi leh (Rajab iyo bilaha la midka ah) in la galo dagaal. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, (waxaase ka sii daran) Alle agti ka hor istaagidda dadka raacidda Jidka Alle iyo ku gaaloobiddiisa, in laga hor istaago dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, fidnadaana63 ka daran dilka. Ma dayn doonaanna (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Qofkii idinka mid ahna ee ka riddooba diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwaa weeye kuwa ay buri camalladooda adduun iyo aakhiraba, waana iyaga ehlu Naarka; wayna ku waari dhexdeeda weligood.
63. Fidno waxaa soo galaya macnooyinkeeda gaalnimo, khilaaf, kala tag, dagaallo sokeeye, dulmiga, caddibaadda, caddaalad darrada, isku dirka, iwm.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أُوْلَٰٓئِكَ يَرۡجُونَ رَحۡمَتَ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
218. Hubaal kuwa rumeeyay (Xaqa) iyo kuwa soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, kuwaa waxay rajayn Naxariista Alle. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡخَمۡرِ وَٱلۡمَيۡسِرِۖ قُلۡ فِيهِمَآ إِثۡمٞ كَبِيرٞ وَمَنَٰفِعُ لِلنَّاسِ وَإِثۡمُهُمَآ أَكۡبَرُ مِن نَّفۡعِهِمَاۗ وَيَسۡـَٔلُونَكَ مَاذَا يُنفِقُونَۖ قُلِ ٱلۡعَفۡوَۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَتَفَكَّرُونَ
219. Waxay wax kaa weydiin Khamriga64 iyo Qamaarka65. Dheh: Waxaa labadaba ku jira denbi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, denbigoodaase ka weyn waxtarkooda. Waxay ku weydiin maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaasuu Alle idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan.
64. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma zineysto zaaniga isagoo mu’min ah, mana cabbo qof khamri markuu cabbayo isagoo mu’min ah, qofna wax ma xado markuu wax xadayo isagoo mu’min ah. Mana boobo oo wax ma dhaco isagoo mu’min ah”.
65. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dhaarta oo ku yidhaahda dhaartiisa waa igu Allaat iyo Al-Cuzzaa ha yidhaahdo: Laa ilaaha illal Laah, qofkii ku yidhaahdana saaxiibki kaalay aan qamaarnee, ha ka joogo (qamaarka) oo ha la baxo sadaqo. W.w Al-Bukhaari.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 雌牛章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる