Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 雌牛章   節:
وَٱلَّذِينَ يُتَوَفَّوۡنَ مِنكُمۡ وَيَذَرُونَ أَزۡوَٰجٗا يَتَرَبَّصۡنَ بِأَنفُسِهِنَّ أَرۡبَعَةَ أَشۡهُرٖ وَعَشۡرٗاۖ فَإِذَا بَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِيمَا فَعَلۡنَ فِيٓ أَنفُسِهِنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ
234. Kuwiinna idinka mid ah ee dhinta oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay sugaan (xaasaskaa) afar bilood iyo toban maalmood, markay gaaraan muddadooda (dhammeystaan ciddada) ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo si la yaqaan ah. Allena waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِيمَا عَرَّضۡتُم بِهِۦ مِنۡ خِطۡبَةِ ٱلنِّسَآءِ أَوۡ أَكۡنَنتُمۡ فِيٓ أَنفُسِكُمۡۚ عَلِمَ ٱللَّهُ أَنَّكُمۡ سَتَذۡكُرُونَهُنَّ وَلَٰكِن لَّا تُوَاعِدُوهُنَّ سِرًّا إِلَّآ أَن تَقُولُواْ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗاۚ وَلَا تَعۡزِمُواْ عُقۡدَةَ ٱلنِّكَاحِ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ ٱلۡكِتَٰبُ أَجَلَهُۥۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِيٓ أَنفُسِكُمۡ فَٱحۡذَرُوهُۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ حَلِيمٞ
235. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxaad sarbeebtaan68 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Alle wuu og yahay inaad xusi doontaan, hase ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur inaad ku dhahdaan maahee hadal wanaagsan, hana tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Ogaadana inuu Alle og yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Ogaadana inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
68. Waa haweenka ay ka dhinteen raggii qabay ama kuwo la furay furriin kama dambays ah, kuwase la furay furriin la soo ceshan karo ma aha in la doono ama xitaa si aan toos aheyn oo sarbeeb ah loogu muujiyo doonis guur.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَّا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِن طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ مَا لَمۡ تَمَسُّوهُنَّ أَوۡ تَفۡرِضُواْ لَهُنَّ فَرِيضَةٗۚ وَمَتِّعُوهُنَّ عَلَى ٱلۡمُوسِعِ قَدَرُهُۥ وَعَلَى ٱلۡمُقۡتِرِ قَدَرُهُۥ مَتَٰعَۢا بِٱلۡمَعۡرُوفِۖ حَقًّا عَلَى ٱلۡمُحۡسِنِينَ
236. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad furtaan haweenka idinkoo aan weli taaban, ama aydaan u goyn wax meher ah, siiyana sahay, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay la yaqaan, (kani) waa waajib saaran sama falayaasha.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَإِن طَلَّقۡتُمُوهُنَّ مِن قَبۡلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ وَقَدۡ فَرَضۡتُمۡ لَهُنَّ فَرِيضَةٗ فَنِصۡفُ مَا فَرَضۡتُمۡ إِلَّآ أَن يَعۡفُونَ أَوۡ يَعۡفُوَاْ ٱلَّذِي بِيَدِهِۦ عُقۡدَةُ ٱلنِّكَاحِۚ وَأَن تَعۡفُوٓاْ أَقۡرَبُ لِلتَّقۡوَىٰۚ وَلَا تَنسَوُاْ ٱلۡفَضۡلَ بَيۡنَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ
237. Haddaad furtaan haweenka ka hor intaydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Inaad cafidaan (waa ninka oo siiya meherkii oo kaamil ah ama inay iyadu iska cafido meherkaa nuskiisa ay leedahay) baa u dhow (samaha iyo) Alle ka cabsiga. Hana halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 雌牛章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる