Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: タ―・ハー章   節:
كَذَٰلِكَ نَقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ مَا قَدۡ سَبَقَۚ وَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ مِن لَّدُنَّا ذِكۡرٗا
99. Sidaasaan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Waxaanuna xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan).
アラビア語 クルアーン注釈:
مَّنۡ أَعۡرَضَ عَنۡهُ فَإِنَّهُۥ يَحۡمِلُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وِزۡرًا
100. Qofkii ka jeesta wuxuu xambaaran Maalinta Qiyaame culaab culus (denbi).
アラビア語 クルアーン注釈:
خَٰلِدِينَ فِيهِۖ وَسَآءَ لَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ حِمۡلٗا
101. Iyagoo ku dhex waari (cadaabka). Xumaa maalinta Qiyaamaha culaabka ay qaadi.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِۚ وَنَحۡشُرُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ يَوۡمَئِذٖ زُرۡقٗا
102. Maaalinta buunka la afuufi21 (afuufka labaad), oo aan isu soo kulmin denbiila- yaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan22.
21. Afuufka labaad ee Buunka, waana afuufka dadka ay ka soo bixi doonaan qubuurahooda iyagoo nool.
22. Cabsi darteed, ama macnaha waa iyagoo indha la’ waxba aan arkayn.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَتَخَٰفَتُونَ بَيۡنَهُمۡ إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا عَشۡرٗا
103. Iyagoo Hoos u wada hadlaya oo isku leh: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”
アラビア語 クルアーン注釈:
نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَقُولُونَ إِذۡ يَقُولُ أَمۡثَلُهُمۡ طَرِيقَةً إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا يَوۡمٗا
104. Annagaa ka ogsoon waxay leeyihiin, marka kooda ugu jid wanaagsani odhan, “Ma aydaan joogin (adduunka) maalin mooyee.”
アラビア語 クルアーン注釈:
وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡجِبَالِ فَقُلۡ يَنسِفُهَا رَبِّي نَسۡفٗا
105. Waxay wax kaa weydiin buuraha, dheh: Rabbigay baa baabbi’in isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَيَذَرُهَا قَاعٗا صَفۡصَفٗا
106. Wuxuu ka yeeli (arladana) ban siman.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَّا تَرَىٰ فِيهَا عِوَجٗا وَلَآ أَمۡتٗا
107. Aad ku dhex arkeyn meel hoosaysa ama sarreysa.”
アラビア語 クルアーン注釈:
يَوۡمَئِذٖ يَتَّبِعُونَ ٱلدَّاعِيَ لَا عِوَجَ لَهُۥۖ وَخَشَعَتِ ٱلۡأَصۡوَاتُ لِلرَّحۡمَٰنِ فَلَا تَسۡمَعُ إِلَّا هَمۡسٗا
108. Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoon leexleexasho lahayn. Waxayna ahaan codadka oo dhan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Alle) horti, mana maqleysid waxaan aheyn shanqarta (socodkooda).
アラビア語 クルアーン注釈:
يَوۡمَئِذٖ لَّا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ إِلَّا مَنۡ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَرَضِيَ لَهُۥ قَوۡلٗا
109. Maalintaas shafeeco wax ma tarto, mid maahee uu Raxmaanku (Alle) u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَلَا يُحِيطُونَ بِهِۦ عِلۡمٗا
110. Wuxuu (Alle) og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ وَعَنَتِ ٱلۡوُجُوهُ لِلۡحَيِّ ٱلۡقَيُّومِۖ وَقَدۡ خَابَ مَنۡ حَمَلَ ظُلۡمٗا
111. Waxay dhammaan wejiyaduna u khushuuci (Allaah), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha iyo Maamulaha waxa uunka jira oo dhan. Waxaana khasaaray kii geystay dulmi23.
23. Qofkii gef ka galay Alle ee yidhi wiil buu leeyahay ama ilmo ama ku tilmaamay sifad xun ama gef ka galay mid ka mid ah uumankiisa.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَا يَخَافُ ظُلۡمٗا وَلَا هَضۡمٗا
112. Qofka se samo fala oo mu’min ah, ma ka cabsanayo dulmi loo geysto iyo wax loo dhimo midna.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَٰهُ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا وَصَرَّفۡنَا فِيهِ مِنَ ٱلۡوَعِيدِ لَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ أَوۡ يُحۡدِثُ لَهُمۡ ذِكۡرٗا
113. Sidaasaan kugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha iyo gooddiyada, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (shirkiga iyo xumaha kale), ama uu ku dhaliyo waantow.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: タ―・ハー章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる