Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 物語章   節:
قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلۡمٍ عِندِيٓۚ أَوَلَمۡ يَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ قَدۡ أَهۡلَكَ مِن قَبۡلِهِۦ مِنَ ٱلۡقُرُونِ مَنۡ هُوَ أَشَدُّ مِنۡهُ قُوَّةٗ وَأَكۡثَرُ جَمۡعٗاۚ وَلَا يُسۡـَٔلُ عَن ذُنُوبِهِمُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
78. Wuxuu yidhi: Waxaa la igu siiyey maalkan oo keliya aqoonteyda. Miyuusan ogayn inuu Alle halaagay horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan waxay isu keeneen. Lamana weydiiyo denbiyadooda denbiilayaasha.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ فِي زِينَتِهِۦۖ قَالَ ٱلَّذِينَ يُرِيدُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا يَٰلَيۡتَ لَنَا مِثۡلَ مَآ أُوتِيَ قَٰرُونُ إِنَّهُۥ لَذُو حَظٍّ عَظِيمٖ
79. Markaasuu u soo baxay qolodiisii isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayey nolosha adduunkan waxay yidhaahdeen: “Wayoo waye, haddaanu lahaan lahayn wax la mid ah waxa Qaaruun la siiyey? Isagu runtii wuu nasiib badan yahay.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ وَيۡلَكُمۡ ثَوَابُ ٱللَّهِ خَيۡرٞ لِّمَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗاۚ وَلَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلصَّٰبِرُونَ
80. Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Alle (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama fala, lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa samra.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَخَسَفۡنَا بِهِۦ وَبِدَارِهِ ٱلۡأَرۡضَ فَمَا كَانَ لَهُۥ مِن فِئَةٖ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُنتَصِرِينَ
81. Markaasaan la goynay isagii (Qaaruun) iyo daartiisiiba dhulka. Mana uusan helin koox u gargaarta Alle ka sokow, mana ahayn mid is difaaci kara.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَأَصۡبَحَ ٱلَّذِينَ تَمَنَّوۡاْ مَكَانَهُۥ بِٱلۡأَمۡسِ يَقُولُونَ وَيۡكَأَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُۖ لَوۡلَآ أَن مَّنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا لَخَسَفَ بِنَاۖ وَيۡكَأَنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡكَٰفِرُونَ
82. Kuwii u hanqal taagayey (meeqaan la mid) meeqaankiisa maalintii horreysay waxay billaabeen inay yidhaahdaan: Shaki ma leh waa Alle Kan u fidiya risiqa qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa ama ku cidhiidhiya. Haddii aysan jirteen in Alle yahay mid noo Roonaan badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka (sidoo kale). Shaki ma leh, ma liibaanto gaalo.
アラビア語 クルアーン注釈:
تِلۡكَ ٱلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ نَجۡعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوّٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فَسَادٗاۚ وَٱلۡعَٰقِبَةُ لِلۡمُتَّقِينَ
83. Taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaanu dhaxalsiin kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, aanna ku falin fasahaad. Cidhibta wanaagsanna waxaa leh kuwa iska jira'xumaha ee dhowra amarrada Alle".
アラビア語 クルアーン注釈:
مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيۡرٞ مِّنۡهَاۖ وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَلَا يُجۡزَى ٱلَّذِينَ عَمِلُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ إِلَّا مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
84.Qofkii la yimaada wanaag25, wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), qofkiise la yimaada xumaan (shirki iyo macaasi), laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay falayeen (wax la mid ah oo xumaan ah).
25. Towxiid iyo camallo san oo sharciga waafaqsan.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 物語章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる