Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 部族連合章   節:
۞ وَمَن يَقۡنُتۡ مِنكُنَّ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا نُّؤۡتِهَآ أَجۡرَهَا مَرَّتَيۡنِ وَأَعۡتَدۡنَا لَهَا رِزۡقٗا كَرِيمٗا
31. Tiise idinka mid ah ee adeecda Alle iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin ajarkeeda labo jibbaar, waxaana u diyaarin- nay risiq sharaf leh (Jannada gudaheeda).
アラビア語 クルアーン注釈:
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ لَسۡتُنَّ كَأَحَدٖ مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِنِ ٱتَّقَيۡتُنَّۚ فَلَا تَخۡضَعۡنَ بِٱلۡقَوۡلِ فَيَطۡمَعَ ٱلَّذِي فِي قَلۡبِهِۦ مَرَضٞ وَقُلۡنَ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا
32. Xaasaska Nabigow! La mid ma tihin haweenka kale oo dhan, ee haddaad Alle ka cabsataan, ha ahaannina kuwo dabacsan oo nugul xagga hadal(kiinna)22, si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin23, ku hadlana hadal wanaagsan oo gar ah.
22. Waa hadalka ku xambaari kara dadka kale inay falaan fal aan wanaagsaneyn ama damac gelin kara.
23. Qofka jecel xumaanta sida zinada iwm.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَقَرۡنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجۡنَ تَبَرُّجَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ ٱلۡأُولَىٰۖ وَأَقِمۡنَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتِينَ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِعۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُذۡهِبَ عَنكُمُ ٱلرِّجۡسَ أَهۡلَ ٱلۡبَيۡتِ وَيُطَهِّرَكُمۡ تَطۡهِيرٗا
33. Ku sugnaadana guryihiinna24, hana muujinnina quruxdiinna sida ismuujintii iyo isbandhiggii jaahiliyaddii hore25, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle wuxuu rabaa uun inuu idinka fogeeyo fadarada (denbiga) Ehlu baytkow26, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan.
24. Waxaa la amray haweenka Nabiga s.c.w. oo haweenka kalena ay soo galayaan inay joogaan guryahooda oo ayan uga bixin waxaan ahayn dan bannaan.
25. Jaahiliyaddii hore: Waxaa loola jeedaa gaalnimadii jirtey ka hor waqtiga Nabiga s.c.w., waxaa sidoo kale la yidhaahdaa jaahiliyad: macsida iyo denbiga la galo kaddib qaadashada Islaamka.
26. Ahlul Bayt: Waxaa loo jeedaa xaasaska Nabiga s.c.w iyo qaraabadiisa soke.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَٱذۡكُرۡنَ مَا يُتۡلَىٰ فِي بُيُوتِكُنَّ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱلۡحِكۡمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ لَطِيفًا خَبِيرًا
34. Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Alle ah iyo Xikmadda. Hubaal Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah (Xeel Dheer).
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّ ٱلۡمُسۡلِمِينَ وَٱلۡمُسۡلِمَٰتِ وَٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ وَٱلۡقَٰنِتِينَ وَٱلۡقَٰنِتَٰتِ وَٱلصَّٰدِقِينَ وَٱلصَّٰدِقَٰتِ وَٱلصَّٰبِرِينَ وَٱلصَّٰبِرَٰتِ وَٱلۡخَٰشِعِينَ وَٱلۡخَٰشِعَٰتِ وَٱلۡمُتَصَدِّقِينَ وَٱلۡمُتَصَدِّقَٰتِ وَٱلصَّٰٓئِمِينَ وَٱلصَّٰٓئِمَٰتِ وَٱلۡحَٰفِظِينَ فُرُوجَهُمۡ وَٱلۡحَٰفِظَٰتِ وَٱلذَّٰكِرِينَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱلذَّٰكِرَٰتِ أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُم مَّغۡفِرَةٗ وَأَجۡرًا عَظِيمٗا
35. Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, ragga Alle adeeca iyo haweenka Alle adeeca, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, ragga samra iyo haweenka samra, ragga u khushuuca (Alle) iyo dumarka u khushuuca, ragga wax sadaqeysta iyo haweenka wax sadaqeysta, ragga sooma iyo haweenka sooma iyo dhowrsanayaa- sha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinka. Alle wuxuu u diyaariyey denbi dhaaf iyo abaalgud weyn.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 部族連合章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる