Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: サバア章   節:
أَفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَم بِهِۦ جِنَّةُۢۗ بَلِ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ فِي ٱلۡعَذَابِ وَٱلضَّلَٰلِ ٱلۡبَعِيدِ
8. Ma Alle buu ka been sheegi mise jin baa ku jira? Mayee, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ku sugan yihiin cadaab iyo habow fog.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَفَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَىٰ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِن نَّشَأۡ نَخۡسِفۡ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضَ أَوۡ نُسۡقِطۡ عَلَيۡهِمۡ كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّكُلِّ عَبۡدٖ مُّنِيبٖ
9. Miyaanay arkayn waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo arlo ah? Haddaan doonno, waxaanu la goyn dhulka, ama waxaan ku soo rideynaa gabal cirka ah. Arrinkaasi waxaa ugu sugan calaamo addoon kastoo toobad keen badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ مِنَّا فَضۡلٗاۖ يَٰجِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُۥ وَٱلطَّيۡرَۖ وَأَلَنَّا لَهُ ٱلۡحَدِيدَ
10. Waxaanu dhab ahaan ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga. (Waxaana nidhi, "Buurahow, la qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa, iyo shimbirahowba. Waxaana u jilicinnay birta.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَنِ ٱعۡمَلۡ سَٰبِغَٰتٖ وَقَدِّرۡ فِي ٱلسَّرۡدِۖ وَٱعۡمَلُواْ صَٰلِحًاۖ إِنِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
11. Annagoo leh: Samee duruucda (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), hagaaji sameyntooda, samana fala. Hubaal Anigu waan Arkaa waxaad fashaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلِسُلَيۡمَٰنَ ٱلرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهۡرٞ وَرَوَاحُهَا شَهۡرٞۖ وَأَسَلۡنَا لَهُۥ عَيۡنَ ٱلۡقِطۡرِۖ وَمِنَ ٱلۡجِنِّ مَن يَعۡمَلُ بَيۡنَ يَدَيۡهِ بِإِذۡنِ رَبِّهِۦۖ وَمَن يَزِغۡ مِنۡهُمۡ عَنۡ أَمۡرِنَا نُذِقۡهُ مِنۡ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ
12. Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabeysha3, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada (ilaa duhurka), in bil loo socdona ku maraysay (duhurka ilaa) galabnimada, Waxaana u dareerinnay il nuxaas (maar) ah. Waxaana ka mid ahaa jinka kuwo u shaqeynayey idanka Rabbigi, mid kastoona ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga (aan ku amarnay inay adeecaan Sulaymaan ah) Waxaanu dhadhansiin cadaabka gubashada.
3. Wuxuu Sulaymaan ku marayey safar subaxa ilaa duhurka masaafo dhan intay geelu u socdaan bil, sidoo kale wuxuu ku marayey duhurka ilaa gabbal dhaca masaafo le’eg inta geela u socdaan muddo bil ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَعۡمَلُونَ لَهُۥ مَا يَشَآءُ مِن مَّحَٰرِيبَ وَتَمَٰثِيلَ وَجِفَانٖ كَٱلۡجَوَابِ وَقُدُورٖ رَّاسِيَٰتٍۚ ٱعۡمَلُوٓاْ ءَالَ دَاوُۥدَ شُكۡرٗاۚ وَقَلِيلٞ مِّنۡ عِبَادِيَ ٱلشَّكُورُ
13. Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah4 iyo taallooyin5 iyo xeerooyin (ballaadhan) baraago oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo waaweyn aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Waa in yar addoomahayga mahad naqa badan.
4. Waxaa lagu fasiray saro dhaadheer, degaanno, ama masaajid lagu tukado.
5. Sawirradaa taalooyinka ah aan xaaraan ahayn xagga sharcigoodii, waxaase lagu xaaraantinimeeyey sharciga Nabi Muxammad s.c.w.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَلَمَّا قَضَيۡنَا عَلَيۡهِ ٱلۡمَوۡتَ مَا دَلَّهُمۡ عَلَىٰ مَوۡتِهِۦٓ إِلَّا دَآبَّةُ ٱلۡأَرۡضِ تَأۡكُلُ مِنسَأَتَهُۥۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ ٱلۡجِنُّ أَن لَّوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ٱلۡغَيۡبَ مَا لَبِثُواْ فِي ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ
14. Markaan u qaddarnay dhimashada (Sulaymaan), ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa6. Markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in hadday og yihiin Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) aanay ku negaadeen dhibka (shaqadaa)7.
6. Ushaashoo uu ku tiirsanaa waqtiga dhimashadiisa. Dhuur caso baa cuneysey usha ilaa ay dhacday sababta culeyskiisii oo ka tan batay awgeed.
7. Waa shaqo adag. Aayaddani waxay daliil u tahay in jinku ayan wax ka ogeyn cilmi Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) kaasoo uu Ogsoon yahay Alle Keliya.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: サバア章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる