Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 節: (127) 章: 婦人章
وَيَسۡتَفۡتُونَكَ فِي ٱلنِّسَآءِۖ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِيهِنَّ وَمَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ فِي يَتَٰمَى ٱلنِّسَآءِ ٱلَّٰتِي لَا تُؤۡتُونَهُنَّ مَا كُتِبَ لَهُنَّ وَتَرۡغَبُونَ أَن تَنكِحُوهُنَّ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلۡوِلۡدَٰنِ وَأَن تَقُومُواْ لِلۡيَتَٰمَىٰ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِهِۦ عَلِيمٗا
127. Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda [49], iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey [50], xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
49. Eeg Suuradda An-Nisaa Aayadda : 3.
50. Ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin. Caadada Carabta waagii jaahiliyadda waxay ahayd in waliga uu xaq u leeyahay inuu guursado gabdhaha agoomaha ee mas’uulka uu ka yahay, iyo inuu xaq ku leeyahay maalkooda. Hadday qurxoon tahay wuu guursanayey, si uu wax uga qaato maalkeeda , haddayse fool xun tahay waa uu diidaa inay guursato nin kale si uu u hanto maalkeeda. Aayaddani waxay reebtay arrintaas.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 節: (127) 章: 婦人章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる